|

Guddoomiyaha ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka UCID oomadaxweyne Siilaanyo u jeediyay in uu ku biiro Madasha wada tashiga

Hargeysa Sept 22,2013(SDN)-Guddoomiyaha ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujj Cali Gurey ayaa u jeediyay madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu ku biiro madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka.

Guddoomyaha ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiinta ku bahobay madasha loo kala waramay.

Madaxwaynaha waxan kula talin lahaa inu xubin goobjoog ah oo isaga wakiil ka ah ku darsado Golaha Wada Tashiga. Si uu runta u ogaado. Qofka samo Taliska ah qoraalkooda asaasiga ah ayaa deeqi kara. Madaxwaynaha iyo golaha cid baa jirta u kala warranta aan samo talis ahayn. Awal waxan ogaa iyadoo kuwaasi ay magaca Gole diidan yihiin oo waa sharci daro leeyihiin. Waabay bedeleen maxaa dhacay hadana ee keenay weerarka xukuumadda ee ilaa madaxwaynaha la adeeg saday?. Anigu waxan leeyahay xukuumadda belaayo aan joogin ha u yeedh yeedhanina. Dhibaatada da Madaxwayne Silanyo na maaha madasha eh yaan lagu jeedin ee halkay tahay toos ha u abaaro.“ayuu yiri Mujj Cali Gurey.

Ma aha markii u horeeysay ee uu Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID Cali Gurey soo jidin ku socota madaxweyne Axmed Siilaanyo dhigay bogga uu ku leyahay Facebook.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed