|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Hadlay Weerarkii Nairobi lagu Qaaday

Washingtong:22-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha  Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka Hadlay weerarkii Dadka Badani ku dhinteen eek a dhacay magaalada Nairobi.

xasan shiikh Madaxwene Xasan ayaa tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkaasi waxana uu sheegay inay garab taagan yihiin dawladda Kenya, gacanna ka siin doonaan sidii ay uga guulaysan lahayd Argagixisada.

 

Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay aad u garanayaan dhibaatada ay leeyihiin weerarrada noocan oo kale ah ee ay ku dhintaan dadka fara badan.

 

“Haddii aan Soomaali nahay si wanaagsan ayaan u garanaynaa dhibaatada ay leedahay dadka ku geeriyooda weerarrada noocan oo kale ah, waxaan maanta uga tacsiyeynaynaa walaalaha ragga iyo dumarka ah ee Kenya falkan naxdinta leh. Waxaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa xukuumadda Kenya oo qayb weyn ku leh dadaallada nabad-raadineed ee Soomaaliya,” ayuu ku madaxweyanha Soomaaliya ku yiri qoraalkiisan oo ahaa mid tacsiyadeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale  sheegay inay ka xun yihiin in la beegsado dad aan waxba galabsan oo ay caruur ku jirto, mana aha mid loo dulqaadan karo dhibaatooyinka ku dhacaya shacabka.

 

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka xukuumad ahaan ay ku bar-bar taagan yihiin Kenya murugada dadkii naftooda waayay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas.

Weerarkan lagu qaaday xarunta Ganacsi eek u taalla dalka Kenya, waxa sheegatay Ururka Al-shabaab, waxana ay  ku Gooddiyeen inay geysan doonaan Weerarro kale oo kan ka halis badan haddii ay dawladda Kenya ciidankeeda kala bixi waydo dalka soomaaliya.

 

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed