AL-shabaab Oo War Jiif iyo Joogba U Diiday Shacabka Reer Kenya u Dirtay
Baar-dheere:22-Sep-2013(SDN)- Xarakada ka dagaalanata Geeska Afirka Gaar ahaan soomaaliya ee Al-shaabaa, ayaa war ay dad farabadan oo Kenyaan ahi wadne gariir ka qaadeen.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) Baaq iyo Gooddin culus ah ujeediyay dadka keenyaanka ah isaga oo ka hadlayay Weerar ay shalay ka gaysteen magaalada Nairobi ee dalka kenya
Waxa uu goodin iyo baaq isugu daray shacabka Kenya isaga oo yidhi, “Shacabka Kenya ee dowladooda kirishtanka ah nagusoo duushay waxaan fariin ugu diraynaa hadaad layaaban tihiin waddooyinka xidhan ee magaalada Nairobi,haddaad la yaaban tihiin waxa dhacay,hadaad la yaaban tihiin ganacsigiina oo burburaya,hadaad la yaaban tihiin wiilashiina oo dhiigaya anaga hore ayaad sidaas noogu gasheen,inta wiilashiina gumeysiga nagu hayaan Nairobi Nabad ma ahaan doonto waxaad kala doorataan laba arrin in aad naga baxdaan ama in aad joogto u ahaataan weeraradeena,waxaa la arki doonaa idinkoo nabad darro iyo dhaqaale darro idinku dhacday oo dalkeena nooga baxaya”.
Magaalada Nairobi ayaa Galinkii Danbe ee shalay waxaa koox huaysan oo ka mida alshabaab weerar ay ku qaadeen Goob ganacsi oo dadka hantiilayaasha iyo ajaaniibta u badan reer galbeedka ka dukaameystaan taasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 ruux , tobanaan kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Warkan ka soo baxay Afhayeenka ururka Alshabaab, ayaa waxa uu argagax hor leh iyo naxdin gariir kale ku sii riday dadka reer Kenya oo wali ay maskaxdooda ka sii guuxayso weerarkii farsamaysnaa ee ay maalintii shalay xarakadu ku ekeeyeen xarunta ku taalla badhtamaha magaalada Nairobi.
Somalidiasporanews.com