|

Wargeys Canadian Ah oo Qormo Dheer ka Sameeyey Wiilal Aan Qaan-gaadhin Oo Hargeysa Loogu Xukumay Eedo Kufsi

Otawa: 22-Sep-2013(SDN)-Wargeyska Ka Soo baxa Dalka Canada ee Lagu Magacaabo  The Star ayaa war bixin dheer  ka qoray Wiilal aan qaan-gaadh ahayn oo dhawaan Maxkamadda Hargeysa ay xukun ku ridday.

ciyaal2-dan wiil oo ka mid ahaa 21 dhallinyar wiilal ahayd oo maxakamadda gobolka Hargeysa ku riday xukuno 10 sanno ah ayaa waxa wargeysan oo ka soo baxa dalka Canada oo waraysi dheer la yeeshay aabaha dhalay labadan wiil ee ka midka ahaa dhallinyartaasi oo magaciisa la yidhaahdo sida ku qoran wargeyskan Muxamed Nuur uu sidan u dhigay warbixinta:

laba ka mid ah dhallinyarta reer Mississauga ayaa ku xidhnaa afrika in ka badan laba bilood waxaana sidaasi yidhi aabahood ka dib markii ay qaateen safarkii xagaaga oo ay ku booqdeen ayeydood.

Maxamed Nuur ayaa diray inamadiisa Liibaan oo ah 18 jir iyo Jamal oo ah 15 jir Somaliland bishii 6aad ee June .

Labadan walaalaha ah ee canada u dhashay hore umay arag dhulka bariga afrika, dhulkan oo iskii isku maamula xuduudna la leh Somaliya kaasi oo loo tixgaliyo in uu iskii u madax banaanyahay .

 

“Fasaxa waa laga dhexgalay bishii June” sidaasi waxa yidhi Nuur ka dib markii ay saraakiil booliska ahi u soo daateen gurigii ayeydood”
‘ waxay yimaadeen guriga iyaga oo adeegsanaya awood gaar ah “ sidaasi waxay ku cawday Nuur waxaanu sheegay in caruurtiisa lagu eedeeyey kufsi gabadh yar , taasi oo ay ilmadeer ahaayeen siyaasi.”
“todobaad ka dib Liibaan iyo Jamaal waxay lagu xukumay toban sanno oo xabsi ah “ sidaasi waxa yidhi Nuur.
Aabahood waxa uu ku cabanayaa in aanay jirin wax dambi baadhis oo ku saabsan eedayntani manay jirin wax maxakamadayn ah , walaalahan xataa maanan awoodaynin in ay helaan in ay la hadlaan qareenkooda .
“ Waxa uu yidhi inamadu may ogayn waxa ku saabsan gabadha , waxayna yidhaahdeen waxayna yidhaahdeen may jirin wax caruur yar yar ah oo meesha joogay, qayb ahaan may aqoonin luuqada laga hadlayao gudaha”.
Waaxda arrimaha dibadda ee dalka Canada ayaa tidhi” Waxaa la ogyahay in ay jiraan laba ka mid ah dadka muwaadiniinta ee Canada u dhashay kuwaasi oo ku xidhan dhulka Somaliland “ af hayeen u hadlay waaxdan ayaa sidan fariin Email ah ku yidhi in safaaradda dalkaasi ee Nairobi ay bixinayso adeegyo qunsiliyadeed kuwaasi oo ay siinayso qoyskan caruurta lagua xidhay “.

waaxdani waxay diiday in in ay bixiso warar faahfaahsan oo ku saabsan arrinkani,
iyada oo khusaysa lagana markhaati dhiganaayo xuquuqda gaar ah ee qofka

“ Waan isku dayey in aa wax uun qabto laakiin may jirin qof I siin kara xog faahfaahsan ‘” waxa yidhi sidaasi Nuur , kaasi oo canada u soo guuray 25 sanno ka hor kana soo guuray Somalia .

Nuur waxa uu leeyahay in loo ogolaado in uu booqdo wiilashiisa 5 daqiiqo todobaadkiiba maalinta isniinta waxa la dejiyey meel aad u cidhiidhi ah , waxayna la xidhan yihiin maxaabiis da’doodu laba jeer ku soo noqonayso.

Waxa uu yidhi in uu ku arkay jidhkooda nabaro iyo dhaawacyo waxaanu maqnay in ay la kulmaan garaacis iyo hanjabaad “ waxay is weydiinayaa waxa dhacay iyo waxay meeshan u joogaan “ sidaasi waxa yidhi Nuur . Ma fahamsana , halka uu Liibaan uu ku hadlaayao xoogaa Somali ah oo jajab ah Jamaalse ma awoodu in uu xidhiidh ku sameeyo dhammana luuqadaha dhaladka ah ee dadkan haysta .

“ aad ayey u adagtahay wayna adagtahay “ aabahood ayaa sidaasi yidhi “ xataa ma seexan karo , ma awoodo ma haysto , waan riyoodaa habeenkii ma awodo in aan seexdo halka ay dadka yar yar ay fadhiyaan halkaasi”.

Nuur waxa uu qabtay wax kasta waxa uu kku fikiraa waxkasta oo ay caruurtiisu xoriyad ku hali karaan oo uu ku guulaysan karo waxa uu leeyahay in uu la hadlay qunsilyada Canada saraakiisheeda isaga oo raadinaya xogo ku saabsan kiisa inamabadiisa laakii waxa jira wax yar oo horumar ah waxaanu dareemayaa in saraakiisha Canada ay wax intaasi ka badna ka caawin doonaan
“Aad ayey u hoosaysaa hadda waxa dareemayaa caawimo la’aan “ ayuu yidhi
saraakiisha Somaliland gacantooda caawimo way yartahay la kulanka saraakiishu waxay qaadataa todobaad Nuur ayaa sidaasi yidhi oo ka cabanaya in ay jiraan laaluush la iska qaadayo wax kasta oo looga baahado xog helis

“ Waxay ka fikirayaan in aanu haysno lacag badan ma wax uun maxaa yeelay waxaanu ka nimid Canada” Nuur ayaa yidhi , kaasi oo u shaqeeya sidii darawal baabuurta xamuulka ah magaalada Mississauga.
Nuur Noloshiisu hada waxay qaadataa wax kasta oo uu isku dayaa waa in uu helo xornimada caruurtiisa .
Dhammaan caruurtiisa waxay ahayd in ay ku soo laabtaan dugsiyadii Mississauga Nuur waxa uu ku noqon lahaa shaqadiisa , laakiin aabihii waxa dareemayaa xaalad aan caadi ahayn taasi oo ku xidhan Somaliland mana jecla in uu ka tago Liibaan Iyo Jamal

“ Ma Awoodno in aanu halkan kaga tagno caruurtayada yar yar “ ayuu yidhi “ma doonayno in aanu gadaashayo kaga tagno

Qormdan waxa daabacay wargeys lagu magacaabo http://www.thestar.com bartiisa Internetka oo laga leeyahay dalka Canada waxaana warbixintan Afka Somaliga ku tarjumay Cumar Seeriya

 

Comments are closed