|

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Wershadaha oo Kormeer ku soo maray qaar ka mid ah Wershadaha Hargaysa

Hargaysa 22.Sep 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha Md.Cabdi Axmed Nuur “Cabdi Guray” oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Wershadaha Maxamud Jaamac Cawdhiye ayaa  Kormeer Shaqo ku tagay Wershada soo saarta biyaha iyo Shaanbooyada ee Dur Dur iyo Weliba Wershada Sharaabka Budada ah soo saarta ee Sam Sam ee Magaalada Hargaysa .

Ujeedada Kormeerka Agaasimaha Guud ayaa la Xidhiidhay Xog ogaal u noqoshada xaalada guud ee Wershadahaasi iyo sidii ay Wasaarada Wershaduhu wax ugala qaban lahayd baahiyaha ay tirsanayaan,si loo dhiirigeliyo koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha Cabdi Axmed Nuur ayaa soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee Wershada Dur Dur ka Kooban tahay waxaana halkaas warbixin la xidhiidha Tirada Shaqaalaha,Agabka ay soo saaraan ka siiyay Maareeyaha Wershada biyaha ee Dur Dur Eng Axmed Gaas Cali isagoo ka warbixiyay Shaanbooyada ay soo saaraan oo tayadoodu aad u Wanaagsan tahay.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershaduhu waxa uu Kormeer kaas la mid ah ku soo maray Wershada Sharaabka Budada ah soo saarta ee Sam Sam.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa hawlaha dardar gelinta ee Wasaarada Wershaduhu ku hawlan tahay isla markaana ay Xidhiidh fiican u yeelan lahaayeen Wasaarada iyo Ururka Wershadlayda Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed