|

Xus la Xidhiidha Maalinta Nabada Adduunka oo Hargaysa lagu Qabtay iyo Wasiiro ka Hadlay

Hargaysa 21.Sep 2013 (SDN)- Munaasibad  balaadhan  oo lagu xusaayey maalinta Nabada adduunka oo  ku beegan  taariikhda maanta ee 21 september ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Munaasabadan oo  maanta ay tahay markii u horaysay ee Somaliland laga xuso ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiir-ku xigeenka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyowacyigalnta, Gudoomiyha jaamacadHargaysa  ,wasiiru ku xigeenka amniga  wasaaradda arrimaha Gudaha ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha jaamacadda hargaysa prof.:cabdi xaaji gaas oo ka hadlay  halkaasi Ayaa ka waramay nabadgelyada iyo qiimaha ay ku leedahay horumarinta bulshada waxaanu intaa ku daray in wax kasta oo nolasha ku aaddani ay ay ka bilaabanto nabada  sidaa daraadeed loo baahan yahay in ay dhamaanteen ilaalino.
Cabdi-Waaxid1-300x225Wasiir ku xigeenka wasaarrada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta cabdi waaaxid cabdi qaadir cabdiraxamaan oo xaflada ka hadlay ayaa qeybaha warbaahinta kula dar daarmay in ay doorkooda ka qaataan ilaalinta iyo horumarinta nabada islamrkaana ka dheeraadaan wax kasta oo khal khal iyo dhibaato  galinaya nabada dalka.

Xuska 5 June
Wasiir ku xigeenka aminga   wasaarada arimaha gudaha cabdilaahi abokor cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta Somaliland ay tahay dal dhisan oo oo leh ciidamadii  amaanka iyo nabada ilaalin lahaa  islamrkaa wasaarad ahaan ay ka  go an tahay sidii loo hortu marin lahaa amiga  sidoo kalana ay hada gacanta ku hayaan xeerka muwaadinimada  kaasoo wax weyn ka tari doona amuuraha ku saabasan nabada  waxaanu intaa ku daray in xukuumadu ay wax ka qabanayso shaqo la aanta kaasoo xafiisyo ka hawl gala shaqo la aanta ay ka furtay caasimada isagoo dhalinayarada ugu baaqay in ay dalkooda aaminaan  iskana daayaan khatarta tahriibka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed