|

Hawlgal Nadaafadeed oo laga fuliyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool

Laas caanood 21.Sep 2013 (SDN)- Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood ayaa olole cusub oo nadaafadeed ka bilowday magaaladaasi.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee kala ah Xildhibaan Cismaan saleebaan Yare iyo Khaliif Ismaaciil Gaane oo uu wehelinayo xoghayaha dawlada hoose ee magaalada laascaanood Md cabdi Kheyre Dirir oo maanta u waramay warbaahinta dawladda iyagoo ku sugan magaalada laascaanood ayaa waxa ay sheegeen in ay dawlad hoose ahaan diyaar u yihiin inay labo-kaclayn ku sameeyaan ololihii nadaafadeed ee degmadaasi ka socday.

Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in tan iyo intii uu ololahu bilaabmay laga qaaday magaaladaasi 350 lowdh oo xashiish ah isla markaana ay sii wadayaan tan iyo inta uu magaaladaasi ka dhamaanayo qashinku ayna soo noqonayso bilicdii iyo saxadii lagu yaqaanay magaalada laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed