“Dib u Bilowga Duulimaadyadii Diyaarada Ethiopia Airways iyo Weedhihii Xubnaha Wasiirada {DHAGAYSO}
Hargaysa 21,Sep 2013 (SDN)- Diyaarada Itoobiya Airways ayaa Galabta Mar kale dib u bilowday Safarkii ay ku Iman jirtay Caasimada Hargaysa Kadib markii ay in Mudo ah Hakisay.
Dib u soo laabashada Diyaarada Ethiopia waxaa la socday Weftigii ka koobna xubnaha golaha wasiirada ee Somaliland oo maalmahii u dambeeyey ku sugnaa dalka Itoobiya.
Weftigan ayaa ka koobnaa wasiirada wasaaradaha Arimaha debadda Md maxamed Biixi Yoonis, Arimaha Gudaha Cali maxamed warancadde iyo Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayen Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo taliyaha sirdoonka Qaranka iyagoo Warbaahinta kula hadlay Gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadaladii Wasiirada oo dhamaystiran
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/barnwasiiaradaethiopia21.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com