|

Baydhabo oo laga soo saaray War Murtiyeed ku saabsan in Maamul Goboleed ay yeeshaan

Baydhaba 21.Sep 2013 (SDN)- Shir maalmahan uga socday degmada Baydhabo ayaa laga soo saaray maanta war-saxaafadeed ay u dhan yihiin Waxgaradka, siyaasiyiinta, cugaasha iyo qeybaha bulshada, iyadoo warmurtiyeedkaasi uu taageeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo shirka goob joog ka ahaa.

Prof. Jawaari oo khudbad ka jeediyay shirkan laga soo saaray War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Dowladda ay tixgelineyso isla markaana ay ixtiraameyso rabitaanka dadka ee doonaya iney maamul goboleed dhistaan, wuxuuna cod muuqda ku ayiday go’aanka kasoo baxay Digil iyo Mirifle.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ee Baarlamaanka ugu mid ah, iyadoo warmurtiyeedkan uu qeexayo in Lixda gobol ee Shabeellaha Hoose, Bay, Bakool, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo loo sameynayo Maamul Goboleed.

 

Qodobbada kale waxaa ka mid ah in si buuxda loo taageero midnimada iyo habka dimuqraadiyadda dalka, inaan la aqbali karin heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku dhex maray Addis Ababa iyo in beesha caalamka iyo dowladaha deriska ay goob-joog ka ahaadaan dhismaha maamulka goboleedka cusub.

Shirka waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, waxgarad, xubnaha ururrada bulshada rayidka ee gobollada Baay iyo Bakool.

Deegaannada Baay iyo Bakool ayaa si adag looga soo horjeestay heshiiskii August 28 dowladda federaalka ay ku aqoonsatay maamulka KMG ah ee Jubba ee uu hoggaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe.

Go’aamada Shirka ayaa Nuqul ka Mid ahi Waxaad ka akhrisan kartaa Halkan.

baydhabo-war

 

Comments are closed