Kalfadhigii 3aad ee Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo maanta Furmay iyo Qodobada lagaga hadlayo
Hargaysa 21.Sep 2013 (SDN)- Kalfadhigii 3 aad ee xildhibaanda Golaha deegaanka caasimada Hargaysa ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta dawlada Hoose ee magaalada Hargaysa .
Kalfadhigan ayaa mudanayaasha shirgudoonku ugu soo gudbiyay ajandaha kalfadhiga oo ka kooban lix qodob oo kala ah .
1 iskaashiga dawlada Hoose iyo Bulashada 2 tacriifadaha cashuuraha 3. wax ka qabashada suuqa Gobonimo ee caasimada 4 qaab dhismeedka dawalada hoose
5 xeer hoosaadka Golaha deegaanka iyo ansixinta go’aamada Golaha deegaanka.
Kalfadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha deegaanka dawlada hoose ee caasimada Hargaysa , ahna maayirka caasimaddaMd. Cabdiraxamaan Maxamuud Caydiid ayaa wax uu ka codsaday xildhibaanada in ay si duuduub ah ku meel mariyaan qodobada ajandahan , kalfadhiga oo ay ka soo xaadireen labaatan xildhibaan ayaa waxa si aqlabiyad ah ku ansixiyay lixdaasi qodob 19 xildhibaan halka uu hal xildhibaan ka diiday .
Dhinaca kale xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Haragaysa waxa ay fadhigooda maanta kul kulmeen ururka ay leeyihiin Shaqaalaha Huteelada cuntada ee lagu magacaabo Barkhad waxaana maayirka oo la hadlay xubnaha ururkaasi uu ku dar daaray in ay shaqaalaha hudheelada cuntadu ay samaystaan warqaaha caafimaadka oo dawlada hoose ay u diyaarisay islamrakaa aan la ogolaan doonin cid aa n haysan ruqsada caafimaadka oo ka hawl gala hudheelada Cuntada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com