“dawladda somaliland waxa ay ku dhisan tahay in ay iyadu shacbigeeda ka baqato, Ma aha xukuumaddani tii ay argagixiso, Baqe iyo Car ila Hadal ku wadi lahayd……” Marxuum Cigaal
Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)-Taariikhda Sideedaba waxa loo sameeyey inay ku xasuusiso waxyaabo hore oo la soo maray, islamarkaana lagaga Gudbo Hagardaamooyinka iyo Turraaturrooyinka Nolosha ku dhereran.
Haddaba taariikhdu maanta waxa ay ina xasuusinaysaa erayo dhaxal-gal ah oo uu ka tegay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa nin ilaahay Haybad u siiyey Helitaanka hadalka, islamarkaana ku xeel-dheeraa soo jiidashada quluubta shacabkiisa.
Marxuum cigaal ayaa Khudbaddan uga dan lahaa inuu ku macneeyo oo uu shacabka uu hoggaamiyaha u yahay ku hogo-tusaaleeye waxa ay dumuqraaddiyadda rasmiga ahi tahay, iyo waliba dhaqanka toolmoon ee looga Baahan yahay Hogaamiyaha fiican.
Madaxweyne Cigaal, ayaa shacabkiisa iyo caalamka kaleba u sheegay inay xukuumaddiisii xilligaasi ku dhisnayn rabitaanka iyo Doonista shacabka, maadaama ay dumuqraaddiyad sheeganayso, “Waxanu annagu ku dhisan nahay oo dawladdan Dimuqraaddigga ah ee somaliland ku dhisan tahay in ay iyadu shacbigeeda ka baqato oo wuxuu doonayo yeesho, oo waxa uu ku raalli noqonayo ku kacdo, oo ay ahaato tii ay iyagu garab iyo gaashaan u ahaan lahaayeen.” Ayuu yidhi Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
Marxuum Cigaal oo lagu tilmaamo inuu ahaa Aabihii Dhidibada u taagay Dimuqraaddiyadda Somaliland, islamarkaana xariif ku ahaa qaabka loola hadlo cidda xukunkiisa mucaaradka ku ah, ayaa khudbaddiisan hoosta kaga xarriiqay inaanay xukuumaddiisu ahayn mid shacbigeeda Baqdin gelisa oo Aamusiisa, waxana uu yidhi, “Ma aha xukuumaddani tii ay argagixiso iyo Baqe iyo Car ila Hadal ku wadi lahayd.”
Marxuum Cigaal, ayaa lagu xasuustaa inaanu ahayn siyaasi cabudhiya Shacabkiisa iyo mucaaradkiisa midna, waxana uu caan ku ahaa inuu mar walba cod dheer ku sheego inuu soo dhaweynayo cidda siyaasaddiisa saluugsan ee aan ku qancin Hoggaankiisa.
Sidoo kale waxa uu marxuumku caan ku ahaa Hadal kooban oo xikmad badan oo shacabka kaga soo jiidan jirey mucaaradka, isagoo aan hab qaawan u hadlayn, balse qaab suugaanaysan oo maldahan ugu gudbin jirey Badheedhihiisa iyo rabitaankiisa.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.