Nin aqalkiisa ku heystay Masaskii ugu badnaa abid
Ney York Sept 21,2013(SDN)-Nin u shaqeeya magaalada New York isla markaana ka mida dadka xayawaanka xanaaneentooda u qaabilsan ayay Boolisku aqalkiisa ka helen tiradii ugu badneyd ee masas ah oo aqal la isugu geeyo.
Ninkan ayaa Booliska magaalada New York aqalkiisa booqdeen ka dib kolkii sheegay in uu xanuunsanayo oo aanu shaqeyn kareyn.
Degmeda NY oo uu u shaqeynayay ayaa ka shakisanaa in ninkani aanu xanuunsaneyn oo uu mushaharada uun doonayo in uu iska qaato.
Booliska ayaa aqalkiisa ka helay 850 Mas oo noocyo kala duwan oo qaar badan oo ka mida aan aqalada lagu heysan kareyn.
Ninkan ayaa si aan sharci aheyn uga ganacsanayay masaska oo uu dadka uga ibinayay Internetka.
Richard Parrinello ayaa aqalkiisa waxa uu ku heystay masaska loo yaqaano Jebiso nooca loo yaqaano Burmese oo ah nooca ugu khatarsan dunida.
Si kastaba ha ahaatee ninkan iyo masaskiisa ayaa haatan ku jira gacanta booliska magaalada NY oo aan ilaa hada garaneyn sharci ay ku qaadaan.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com