|

Nicholas kay oo ka Hadlay Muhiimada uu Shirka Brussels u leeyahay Soomaaliya iyo waxa uu Kaga Duwan Yahay Kuwii Hore

Nairobi:16-Sep-2013(SDN)-Ergayga  gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa  ku tilmaamay shirka maanta ka furamay Dalka Beljiumka mid mihiimad weyn u leh Soomaalida, islamarkaana ka duwan kuwii hore loogu qaban jirey.

 

kay kayNicholas Kay oo  u warramayay BBC-da isagoo ku sii jeeda magaalada Brussels oo uu ka furmayo maanta shirka looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha la hor-geynayo shirkan ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya uuna yahay mid ay leedahay Soomaaliya oo ay iyadu ku dalbanayso waxyaabaha ay doonayso in beesha caalamku ay ka caawiso.

 

“Heshiiska cusub ee Soomaaliya waa mid dowladda Soomaaliya ay soo diyaarisay, iyadoo wadatashiyo la yeelatay dhammaan maamullada ka jira dalka iyo dalalka deeqaha bixiya. Waana mid ay iyadu hoggaaminayso, waxaana qodobbadiisa ka mid ah sidii loo qaadi lahaa canshuuraha iyo sidii hay’adaha dowladda dib loogu dhisi lahaa,” ayuu yidhi Kay

Mar Kay oo sharraxaad ka bixinaya waxa uu shirkani kaga duwan yahay kuwii hore  ayaa sidan ku jawaabay,“Laba waxyaabood ayuu shirkan uga duwan yahay kuwii hore, tan koowaad waa in shirkan uu yahay mid ay Soomaalidu leedahay oo ay hogaankiisa hayso, wuuna ka duwan yahay sidii loo howlgeli jiray intii ay jireen dowladihii KMG ahaa oo sharciyadooda wax la iska weydiin jiray. Maanta Soomaaliya waxay leedahay dowlad dhab ah oo qaanuun ku dhisan la iskuna halleyn karo oo caalamka oo dhan uu aqoonsan yahay, iyaga ayaana la yimid qodobbada mudnaanta la siinayo. Midda labaad waa qodobbo uu caalamku aqoonsan yahay , beesha caalamkuna wey taageeraysaa qodobo badan, waxeyna Soomaaliya u caawin doonaan qaab cusub oo looga gun-gaaro qodobbadan. Sidaa daraadeed waa mid aad uga duwan kuwii hore waana fursad dhab ah oo baal cusub u rogaysa Soomaaliya.”

 

Kay wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay xillgii dagaalkii sokeeye iyo qabqablayaasha, “hadda waxaa la joogaa xiligii dhisidda, waxaa la dhisayaa xukuumad, haya’do iyo awood kordhin, beesha calaamkuna aad ayay u taageeraysaa in qorshahan la fulinayo. Isagoo xusay in beesha caalamku ay u muuqato inay mideysay qorshahayaasha lagu taageerayo Soomaaliya, waxaana saddexda sano ee soo socda ku bixi doona howshan shan bilyan oo doollar.” Ayuu yidhi Kay.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed