|

Tanzania oo taariikhda markii ugu Horraysay Lagu Maxkamadaynayo Soomaali Budhcad-badeednimo ku Eedaysan

Dar esalam:16-Sep-2013(SDN)-Maxkamadeynta toddoba ruux oo looga shakiyay budhcad badeed ayaa ka bilaabanaysa maxkamada sare ee magaalada Dar Es Salaam, taasi oo ka dhigaysa markii ugu horeysay oo dalkaasi kiis dacwadeedkan oo kale uu qaado.

maxkamadaynDhalinyarada Soomaalida ee lagu maxkamadeynayo dalka Tanzania ayaa kala ah Maxamed Nuur Aadam, Bashiir Yuusuf Rooble, Muxsin Sheikh Xaaji, Cabdiwali Cabdiraxman, Fargan Cali Cabdule,Caley Nuur iyo Cumar Maxamed, waxaana dhamaantood ay wajahayaan kaliya dambiga budhcad badeednimada.

Dhamaan dadkaasi ayaa lagu eedeynayaa inay ka qeyb qaateen weerar lagu qaaday markab marayay xeebaha Indian Ocean, waxaana la sheegay inuu marayay markabkaasi biyaha dalkaasi Tanzania.

Kooxaha budhcad badeeda ayaa weerarka lagu eedeynayo wuxuu dhacay bishii October 3, sanadkii 2011, waxaana dhamaantood maxkamdeyntooda ay bilaabanaysa maanta oo Isniin ah.

Markabka ay weerareen dadkaasi maanta maxkamada lasoo taagayo ayaa lagu magacaabaa Sam S All Good kaasi oo la sheegay inuu waday shidaal, sida lagu sheegay war kasoo baxay dalka Tanzania.

Bartamihii bishii October sanadkii 2011, ciidamada badda ee dalka Tanzania ayaa qabtay todobada ruux ee Somalida ah, ee maanta la doonayo in maxkamad lasoo taago.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed