“Ninkii Siyaasadda u Bu’ayaanna Xisbiyadda Ha Gallo, Xasan Guurre Ma Burco Ayuu dib u haystaa” Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta
Hargeysa 15.Sep 2013 (SDN)- Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacy-gelinta Somaliland Mudane Cabdi-waaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu ku marayaan Gobollada Saaxil iyo Togdheer, isla markaana waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha kooxda la baxday madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo xukuumadda sheegay in madaxdii dalku ay dalka ka maqan yihiin.
Cabdiwaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sidoo kale dhaliilay hadalo ka soo yeedhay ashkhaas mucaaridka ka tirsan oo safarka madaxweynaha wax ka sheegay, kuwaas oo u jeediyay inay ka fiirsadaan hadalada qadafka ah ee aan xaqiiqada meelna ka soo gelayn, laguna manjaro habaabinayo ummadda Kalsoonida badan u qabta xukuumadda tallada haysa.
Wasiir ku-xigeenku isagoo ugu horayn faahfaahinaya safarka madaxweynaha iyo ujeedooyinka uu xambaarsan yahay waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay in madaxweynuhu Sabtidii Hargeysa ka baxay, wuxuu safarkiisa ku bilaabay inuu furo kuliyadda Tababarka Ciidammada ee Darar-weyne halkaas oo saraakiisha ciidamada Somaliland ee u horeeyay tababarkoodu ka bilaabmay, waxaana weeye markii ugu horaysay ee kuliyad noocaas ah laga sameeyo Somaliland intii dalku jiray, waxaanay ahayd wax dalka ku cusub, waxaad ogtihiin in Ciidamadeena tababar loo geyn jiray dalalka Deriska ah maanta inaynu helno kuliyad dalka gudihiisa laga sameeyay oo ay xukuumaddu gacan ka geystay, saraakiisha tababarka bixinaysaana Somaliland yihiin, waxaanay soo afjartay bixintii derejooyinka intii qaadatay ayaa siinaysa tababarka, si kuwa soo baxaya loo siiyo derejooyinka, waxaana weeye arrin runtii muhiimad weyn dalka u leh.”
“Waxa ku xigtay in maanta Berbera oo Mashaariic kala duwan laga hir-geliyay, qaar xadhiga ka jaray, qaarna la dhagax dhigay, waxaanay ahaayeen mashaariic Maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera hir-geliyeen, ka dib madaxweynuhu wuxuu maanta (shalay) u dhaafay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, halkaas oo uu berito kormeer ku tegi doono waddada laga waddo Oodweyne, waxa kale oo uu dhagax dhigi doonaa waddada dheer ee Ceerigaabo, waxaanu dhagax dhigaasi soo af-jari doonaa balan-qaadkii Xisbiga Kulmiye Ololaha ku galay oo tii ugu dambeysay ah.
Waxaynu ognahay in Mashruucaa dhismaha waddada Ceerigaabo u dambeeyay balan-qaadkii xisbigu qaaday oo la fuliyay, waxaana ka horeeyay derejo bixintii ciidanka, qofka hogaamiyaha ah waxa lagu gartaa inuu guulaystay marka uu wuxuu ummadda u balan qaado markuu ololaha ku jiray uu fuliyo, sidaynu ognahayna Doorasho dambe haddii dhacdo cidiba lama tartanto sidaasi ayuu ku helaa,”ayuu yidhi.
Cabdiwaaxid, ayaa dhinaca kale sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda oo uu ku tilmaamay inay kor u dhaafayaan wixii Xisbiga Kulmiye Ololihii Doorashada ku galay.
“Waxaynu ognahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dhinac walba wax ka qabatay, bulshaduna ay markhaati ka tahay, dadka Somaliland jecel ee Indhahoodu wax arkayaana way arkayaan, kuwa iyagu buka ee wanaagaa Muraayadaha mad-madow ka sita ilaahay ha tusaanu leenahay, laakiinse inta caafimaadka qabtaa way arkaysaa in wax laga qabtay dhammaan addeegyada Bulshada, haddii ay tahay Waddooyinka, Caafimaadka, Biyaha, Dekeddaha iyo shaqo abuurka oo waynu ognahay inay xukuumaddu shaqo abuur badan u samaysay oo intaasoo kun oo dhalin-yaro ah la shaqaaleysiiyay, loona sameeyay guddi Wasiirro ah oo wasaaradda warfaafintu ka mid tahay, qorsheheediina la wado, sanad walba shaqaale cusub dawladda lagu kordhiyo, mushaharkii shaqaalahana sanadkan 20% ay ku korodhay.”
Dhinaca dhaqaalaha markay noqoto dhawr iyo afartan Milyan bay ahayd Miisaaniyadu markii aanu la wareegnay , afar bilood shaqaaluhu may qaadan mushahar, maantana saddex jibaarbay maraysaa,”ayuu yidhi Md. C/Waaxid, waxaanu intaasi ku daray “dad baa waxay ka hadlaan musuqmaasuq, haddii wax la musuqmaasuqay miisaniyadu intii hore ayay joogi lahay ama way ka yaraan lahayd, markaa maanta markaad eegto halkay miisaaniyadu gaadhay, mashaariicda dhinac walba leh ee la fuliyay iyo mushaharka shaqaalaha loo kordhiyay qofka leh musuqmaasuq baa dhaca waaqof xumaan uun iska sheegaya, laakiinse wax musuqmaasuq ahi ma jiro.”
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somaliland waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay wufuud Wasiirro ah oo hawlo-shaqo ugu maqan waddamada Itoobiya iyo Ingiriiska, hadana isugu yimi Magaaladda Addis-ababa, kuwaasi oo uu sheegay inay hawlo muhiim ah qabteen, kulamana la yeesheen madaxda dawlada Itoobiya qaarkood.
“Sida la ogyahay wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa dibada ku maqan, Ingiriiska ayaa la soo maray, Itoobiya ayaa maanta la joogaa, Wasiirkii arrimaha dibadu wuxuu ku biiray weftiga Addis-ababa jooga ee kala ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiirka duulista hawada, waxaanay soo adkeeyeen cilaaqaadka aynu la leenahay dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya oo ay si gaar ah xukuumadani mar walba ahmiyad u siinayso inuu sii kobco, maantana meeshii ugu wanaagsanayd maraya,”ayuu yidhi.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay intaasi uu raaciyay “Safaaradda Itoobiya way la kulmeen labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha iyo Duulistu, markii uu ku soo biiray Wasiirka Arrimaha dibaduna waxay la balansan yihiin Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya iyo madax kale oo tiro badan oo itoobiyaan ah, waxaana laga yaabaa inay Raysal-wasaaraha laftiisa is-arkaan.
Waxaanay taasi ku tusaysaa xukuumaddu siday ugu dedaalayso ilaalinta cilaaqaadka aynu la leenahay dalalka caalamka,kuwa Gobolka ama kuwa fog-fog-ba ha ahaatee maanta inuu cilaaqaadkaasi meel wanaagsan marayo.”
Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan waxa uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Muj. Xasan Guure Jaamac oo ah Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo nuxurkiisu ahaa in madaxdii dawladu dalka ka maqan tahay.waxaanu yidhi “ Waxa kale oo jira in Xasan Guure yidhi madaxdii dawladu dalka way ka wada maqan tahay oo madaxweynihii wuu maqan yahay, madaxweyne ku-xigeenkii wuu maqan yahay, Wasiirkii arrimaha guduhuna wuu maqan yahay, markaa Xasan malaa Burcuu u haystaa inay dibad tahay, markaa waxaan leeyahay madaxweynugu dalka isagaa ka madaxweyne ah,haddii uu doono Burco lix bilood buu joogayaa, dawladda inteedii kale Hargeysa ayay joogtaa, intii uu u xushay inay safarkaasi ku weheliso ayuun baa raacday, laakiinse masuuliyiintii kale Hargeysa ayay joogaan, madaxweyne ku-xigeenkuna arrimo caafimaad ayuu dibada ugu maqan yahay, Wasiiradda dibada ku maqanina waxay xoojinayaan siyaasada khaarajiga, waxa kale oo jira Wasiirro Xariirad ku maqan oo arrimo nabadeed halkaa u jooga.”
Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaasi ku kabay “Waxaanay arrimahaasi ku tusayaan inay maanta xukuumaddu dhinaca nabad-gelyada, dhanka horumarinta iyo dhinaca arrimaha dibada intaba inay gacanta ku hayso, waynu ogayn shaqaaqadii Oog ka dhacday siday markiiba xukuumaddu ugu gurmatay, waxa kale oo uu ka hadlay Xasan Guure inay shirkaddaha dalka ka baxay nabad-gelyo daro u baxeen, waxaanu cadeynaynaa inaanay jirin meel ay ku sheegeen ama hadalkaa ku yidhaahdeen annagu ma hayno , markaa qofka sidaa u hadlay waxa laga doonayaa cadeynteeda.
“Maanta waxaynu ognahay Somaliland waxa ka jira nabad-gelyo aan Mandaqada iyo meelo badan oo aduunka ah ka jirin, meeshii ugu wanaagsanayd ayaanay nabad-gelyadu maraysaa, waxa kaliya ee aynu haysano ee laynagu ammaanayna waa nabad-gelyo, markaa markay leeyihiin nabad-gelyo darro ayaa dalka ka jirta way iska cadahay inay been dadka u sheegayaan, waxaynu ognahay in shirkadduhu dalka ku soo kordhiyeen shaqo abuur, markaa haddii la yidhaahdo waxa jirta shaqo la’aan marna laga xumaado shirkadihii shaqo abuurka laga helayay ee horumarka dalka soo gelinayay laba isqabta maaha,”ayuu yidhi Wasiir C/Waaxid C/Qaadir.
Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Dadka maanta siyaasadda u bu’ayaa inuu arrimahaa ku gal-gasho maaha ee dalka xisbiyo qaran baa jira, saddexdaa xisbi buu ku biiri karaa, waxaanaynu ognahay Doorashadii laba sanadood in ka yar baa hadhay, doorashada ha u diyaar garoobo.”
“Xukuumaddani kalsooni shac bay leedahay waynu ognahay aqlabiyadii lagu doortay, tii ugu dambeysay ee Golaha deegaanka Kalsoonidii ummadda ayay ka heshay, tu kasta oo timaadana taageeradaa iyo tu ka badan bay helaysaa, waxaana ka markhaati ah sida maanta madaxweynaha meel kasta oo u tago loogu soo dhaweynayay, markaa waxaan leenahay nimankaa Odayaasha ah ee had-hadlayaa waxay ka hadlayaan waa wax taariikhda u gelaya ee ha ka fiirsadaan, ninka maanta madaxweynaha horumarka dalka ka shaqaynaya ku hiifaya dalkii buu ka tegay annagu garan mayno wuxuu doonayo,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com