Shirkadda Turki ah oo la wareegeysa maamulka garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho 15.Sep 2013 (SDN)- Shirkadda duullimaadka Turkiga ee FAVORI ayaa maanta oo Axad ah waxay maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kala wareegeysaa shirkadda SKA oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay maamuleysay garoonka, taas oo xarunteeda weyn ay ku taallo Dubai.
Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in shirkadda FAVORI ay maanta si rasmi ah ula wareegeyso maamulidda garoonka.
Diyaarad Boeing 747 oo u kiraysneyd shirkadda FAVORI oo sidday qalab loogu talagalay in lagu casriyeeyo garoonka Aadan Cadde ayaa August 30 ka degtay Muqdisho.
Ciilmooge waxa uu sheegay in shaqada garoonku ay sii ahaan doonto sidii hore isla markaana aanu iman doonin wax is beddel ah oo lagu samayn doono garoonka.
Shaqa kala wareejinta ayaa ku timid ansixinta golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com