Mudanayaasha Golaha Guurtida oo dood ka Yeeshay Xaalada Arrimaha Gudaha ee dalka
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda S/land fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Md: Siciid Jaamac Cali ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Arrimaha Gudaha ee dalka.
Mudanayaashii dooda maanta ka qaybqaatay ayaa badankoodu soo jeediyay in Golaha ay hor yimaadaan Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo sii-aydhiida si goluhu uga xogwaraysto falal dilal ah oo mudooyinkii dambe ka dhacay caasimada.
Geesta kale mudanayaasha qaarkood ayaa iyana soo Jeediyay in goluhu ka howlgalo khilaaf dhawaan ka soo cusboonaaday degaanka Sayla Bari oo ku saabsan arimaha dhulka , dhinaca kale waxa mudanayaashaaha guurtidu fadhigaas ay uga soo jeediyeen wasaaradda arrimaha gudaha in ay u soo jeediyeen inay siyaasad cad ka soo saarto. dadka ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaaya.
Xildhibaan c/raxmaan cisman jaamac {shaadh} oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida oo shir-jaraa-id ku qabtay xarunta Baarlamaanta ayaa daboolka ka qaaday inay xukuumaddu umadda maanta wax muuqda uqabatay oo la taaban karo ,waxaanu ugu baaqay xisbyadda mucaaridka ah la lagarabgalo xukuumada maanta dalka ka talisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com