|

Isbahaysi uu hogaaminayo C/samad Cali Shirre oo ku soo Jeeda Carrooley iyo Shacabka Halkaas Ku Nool oo Ka Werwersan

Taleex:15-Sep-2013(SDN)-Wararka ka Imanaya Deegaanka Carroolay ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad Dagaal  iyo Deggenaansho la’aan ah halkaas laga dareemayo.

shireXiisaddan ayaa timi ka dib markii shacabka deegaankaasi ku war heleen inuu ku soo Fool leeyahay Wafti culus oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka puntland Cabdisamad Cali shire iyo  oo wata kooxo ka soo dhmbalmay  maleeshiyada Khaatumo.

 

Siday  warbaahinta u sheegeen xubno ka mid ah wax-garadka Deegaanku, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntlabd Cabdisamad Cali Shirre oo wata Ciidamo aad u hubaysan  iyo maleeshiyaad uu hogaaminayo Nin Axmed Karaash la yidhaahdo oo ka tirsanaan jiray saraakiisha Khaatumo, hadase la safan dhinaca Puntland, ayaa la sheegay inay ku soo jeedaan Deegaamada Carroole iyo Hol-hol oo dhinaca Barri 89 KM kaga beegaan, waxaanay arintaasi  war war iyo dareeno kala duwan ka dhex abuurta dadka ku dhaqan deegaanadaas.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu ka soo tegayo dhanka degmada Taleex oo uu beryahan dambe ku sugnaa, halka maleeshiyaadka Axmed Karaash la sheegay inay iyaguna ka imanayaan deegaamo u dhow Tuko-raq oo fadhiisin u ahayd.

 

Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka deegaamada  ay ku soo wajahanyihiin, ayaa la sheegay inuu wada hadal dhanka Telefoonka ah la soo sameeyay Cabdisamad Cali Shirre, ka dibna ay isku afgaran waayeen qaabka uu ku imanayo iyo ujeedada socdaalkiisa, taasoo sababtay inay odayaashu qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqa lagaga hortegayo.

 

Faysal Jaamac Xowte oo Xoghayaha Fulinta ee Degmada Taleex  ee Somaliland, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in xiisad colaadeed oo Puntland sabab u tahay deegaanka Caroole iyo Hol-hol ka soo fool-leeyihiin hadii aanu Cabdisamad Cali shirre ka laaban safarka uu halkaasi ku imanayo oo aanay dadka deegaanku ka raali ahayn.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax tallaabo kooxdaas ka dhan ah oo ay ku dhaqaaqday xukuumadda Somaliland, marka laga reebo hanjabaad afka ah, waxana shacabka Halkaas ku dhaqani xukuumadda Somaliland ka rajaynayaan inay  gacanteedu shaqayso si looga caabiyo cadawga xad-gudubka ku haya geyiga Somaliland.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed