Somaliland oo laga Xusay Munaasibada Maalinta Gargaarka caalamiga ah ee adduunka
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Xus balaadhan oo loo sameeyay Maalinta Caalamiga ah ee Gar gaarka deg dega ah ee adduunka ayaa lagu qabtay Caasimada Somaliland ee Hargaysa .
Munaasabadan xuska oo lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada hargaysa waxaa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta C/risaaq Khaliif axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah hawlwadeenada bisha case e Somaliland
G/xigeenka ururka bisha case e Somaliland Marwo kaltuun Xuseen daahir oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay maanta ahmiyad gaar ah u leedahay bisha cas ee Somaliland isla markaana ay la wadaagayso beesha caalamka dabaaldegyada ay u samaynayaan maalintan caalamiga ah
Marwo kaltuun waxa ay sheegtay in odhaahda laga duulayo sanadkani ay tahay ((Nabadgelyada waddooyinka)) Somaliland-na ay kaalinteeda qaadanayso.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta C/risaaq Khaliif axmed ayaa ku bogaadiyey bisha case e Somaliland xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah gargaarka degdega ah, waxana uu sheegay wasiirku in uu aad ugaga mahadcelinayo bisha cas odhaahda sanadkan ay ka duulayaan oo ah nabadgelyada wadooyinka, taasoo qayb ka ah hawlaha ay wasaaradiisu u xilsaaran tahay.
Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud waxa uu sheegay in shilalka wadooyinku ay yihiin kuwo ku badan Somaliland dhibaatooyin badana ay ka soo gaadhaan shacabka, isla markaana in laga dhigo arrin caam ah oo saamaynteeda leh ay muhiimad gaar ah leedahay .
Munaasabadda xuskaasi waxaa kaloo ka hadlay mas’uul;iyiin ay ka mid yahiin madaxa wacyigelinta bisha cas Guuleed xasan cilmi, madaxa baafinta ee ururkaasi cabdilaahi siciid Muxumud iyo cismaan cawil maxaed oo isna ah madaxa gargaarka degdega ah ee ururka bisha cas, waxaana masrixiyad ka turjumaysa ururka bisha cas iyo shaqooyinkiisa mutadawacnimada ah halkaa ku soo bandhigay dhalinyarada mutadawaciinta ah ee wax ka barata ururka bisha cas.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com