“Ilaa xad baa la gaadhay magtii la kala qaadanayey ee ee shareecada islaamku jidaysay ee qudh-baxa ahayd in la yidhaahdo cashuur baanu ku soo rognay.” Xildh. M. F. Qabille
Hargeysa:15-Sep-2013 (SDN)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa si walaac weyn ka muujiyey Cashuuraha xad-dhaafka ah ee uu wasiirka maaliyaddu ku kordhiyey qaybaha kala duwan ee ganacsiga Somaliland.
Xildhibaan Qabille oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhaliilo culculus dusha ka saaray Madaxtooyada Somaliland gaar ahaan wasaaradda madaxtooyada oo uu sheegay inay u soo ban baxday sidii ay shacabka taagta daran dhiigoodda u miiran lahayd.
Xildhibaanka ayaa si cad u sheegay in distoorkii iyo shuruucdii dalkan u taallay gees laga dhaafay oo la iska indho tiray, “ umadda waxa isku haya distoor iyo xeer, haddii qaynuunkaas mideeya la dhawri waayana waxa sibibaxda qaranimada garsoorkeeda.In dhaweydna waxa ay xukuumaddani sida ay doonto u kordhinaysay cashuuro xad-dhaaf ah, oo wasaaradda maaliyaddu shay walba ay saarto waxa ay doonto, maantan kontaynarku wuu is laban laabay, cidda ay fuulaysaana waa bulshadan tahriibta ku madhatay ee noloshu cidhiidhiga ku noqotay,” ayuu yidhi xildh. Qabille.
Mar uu xildhibaanku sharaxaad ka bixinayey qaabka sharciyan ay tahay in dadka cashuur lagu kordhiyo, waxa uu yidhi, “qoddobada 14 iyo 54 ee distoorka Somaliland waxa loo eegayaa cashuurta la kordhinayo awoodda dadweynaha, cashuur aanay ansaxin Golaha wakiilladuna laguma qaadi karo oo laguma dabbaqi karo dadweynaha.”
Sidoo kale waxa uu xildhibaanku tilmaamay inay xukuumaddu cashuuraha ay korodhsatay u dhiibatay wiilal gaar ah, islamarkaana aanay sharci ahayn in la guro cashuuro aan galaha la hor keenin, waxana uu yidhi, “Cashuuraha kala duwan ee ay xukuumaddu qaaddo mid kasta halkeedaa laga labanlaabay waxana la geystay wiilal u ururiya , arrinkaassina waa sharci darro, cashuur aan golahani ansixinna sida miisaaniyaduba uga ansaxdo xaaran weeye in la dabbaqo.”
Xildhibaan Qabille ayaa shaaca ka qaaday inay wasaaradda Maaliyaddu gaadhay heer ay magta qudh-gooyada ah ee la kala qaato cashuurto, taas oo muran ka dhex keentay dadkii kala qaadanayey, waxana uu yidhi, “Ilaa xad baa la gaadhay magtii la kala qaadanayey ee ee shareecada islaamku jidaysay ee qudh-baxa ahayd in la yidhaahdo cashuur baanu ku soo rognay.”
Duruufaha nololeed ee adag ee dalka ka jira ayuu xildhibaanku eeddooda dusha ka saaray wasaaradda Maaliyadda, waxana uu yidhi, “Tahriibta, hallaagga, qaxa, iyo nolol xumada waxa kow ka ah wasaaradda Maaliyadda maadaama ay takaaliif sharci darro ah caadaysatay.”
Xildhibaanka oo ka hadlaya Miisaaniyad cusub oo wasiirka madaxtooyadu dhawaan Golaha u gudbiyey waxa ay daarran tahay, islamarkaana madaxtooyada ku eedaynaya lacag urursi, ayaa yidhi,
“Dhawaan Golaha wakiillada waxa timi miisaaniyad ay dabada ka riixayso Madaxtooyadu oo toddobaadkii hore si indho adayg leh ugu soo qaddimay golahan, dekedduna bilowgii hore ee xukuumaddan maanta jirta way madax bannaanayd, haamuhu way madax bannaanaayeen , hay’adda waddooyinku way madax bannaanayd, intubana sharci bay ku dhisnaayeen, balse maanta waxa la wada hoos keenay Madaxtooyadaj, Madaxtooyadu waxa ay isku bedeshay Hay’ad Dakhli, iyadoo hore u ahayd meesha dalka laga maamulo.”
Xildhibaan Qabille ayaa sheegay inaanay haboobayn in lacago dheeri ah la saaro Gaadiidka iyo xoolaha nool sida ka muuqata xeerkan cusub ee madaxtooyadu wadato, islamarkaan wixii cashuur kordhin ahaa hore loo saaray, waxana uu yidhi, “maanta miisaaniyado kala socdaa Golaha horyimi oo la leeyahay Hay’addii waddooyinka iyadoo loogu gabbanayo waddooyin baa la dhisayaa, waddaduna kama baxsana miisaaniyadda qaranka, cashuurtuna ma fuuli karto Gaadiidka iyo Xoolaha Nool oo wixii la saarayey horaa loo saaray.”
Waxa uu xildhibaan qabille carrabaabay inaanay sharci ahayn in Hay’adda waddooyinka Somaliland miisaaniyad gaar ah loo sameeyo maadaama xeerkeedii qabyo yahay, waxana uu yidhi, “Hay’adda waddooyinkana xeerkeedii waa qabyo, mar haddii xeerkeedu qabyo yahayna miisaaniyadba looma samayn karo, arrintaasina waa mid gabbood-fal ku ah shacabka reer Somaliland.”
Ugu dambayntii waxa uu xildhibaan Maxamed Faarax Qabille xusay in lagu guulaysan la’yahay dhaqan gelinta xeerka kala xadaynta ganacsiga oo hore loo ansixiyey, isagoo madaxweynahana ku eedeeyey inuu dalka iyo dadka masaakiinta ah ee xaqooda lagu tuntayba ka qaban la’ Tujaarta naxariis laawayaasha ah, “Xeerka kala xadaynta Ganacsigu waa xeer dhaqan gal ah oo si sharci ah u soo baxay, wasiir kastaa marka uu is yidhaahdo dhaqan geli waxa ay tujaartu ku guulaystaan inay wasiirkaas shaqada ka eryaan Maxamed xaashi baana kaw ka ahaa, Markaa maanta madaxweynaha ma waxa wasiirro u noqday oo la taliya-yaal u noqday Ganacsatada muruqaysatgay ee aynu ku tilmaami karno Dhhiigyo-cabyada” ayuu yidhi xildhibaan qabille.
Somalidiasporanews.com