|

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u ambo baxay Brussels

Muqdisho 14.Sep 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa u amba-baxay magaalada Brussels ee xaraunta dalka Belgium, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Xasan sheekh oo warbaahinta la hadlayAgaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo shirka Brussels ee looga hadlayo dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya iyo sidii waddamada caalamka ay u taageeri lahaayeen qorshayaasha ay soo gudbisay dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo magaalada Brussels.

Madaxweynaha waxaa la socda wasiirka arrimaha dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Shiikh Cabduqaadir, wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleeymaan iyo wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed