Nabadoon Gamadiid Nuur oo Kismaayo lagu dilay iyo Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadiisa
Kismaayo 14.Sep 2013 (SDN)- Maleeshiyo hubeysan ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ku dilay allaha u naxariistee nabaddoon Gamadiid Nuur Siyaad oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Jubbada hoose.
Maleeshiyada dilka geysatay ayaa la sheegay in durbadiiba ay baxsatay, iyadoo ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba oo gaaray goobta uu ka dhacay dilka ay wadaan baaritaan,Lama oga cidda dishay iyo sababta loo dilay nabaddoonka.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya laba cisho kadib markii hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba uu ka badbaaday isku day dil oo masuuliyadeedu ay sheegatay maleeshiyada Alshabaab.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com