Waftigii loo igmaday Turxaan bixinta shaqaaqadii xariirad ku dhex martay labada Beelood Oo Natiijo Fiican gaadhay
Xariirad:14-Sep-2013(SDN)- Waftigii uu Hogaaminayey wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha somaliland ee Hawlaha turxaan bixinta ah u joogay deegaanka Xariirad ee Gobolka Salel ayaa gudob galay hawlahoodii shaqo.
Waftigan oo muddo gaaban deegaankaas ku sugnaa ayaa, maanta si toos ah u bilaabay hawlihii loo igmaday oo ahaa inay dhameeyaan wixii khilaaf ah ee labada Beelood ee walaalaha ee Degaankaas degeni kala tirsanayeen.
Wafigan oo maanta u warramay qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa sheegay inay shirar isdaba joog ah la qaateen labada dhinaca ee arrintu dhex taallo, waxana ayaa isla maantaba dhaariyeen Odayaal tiradoodu gaadhayso 20-oday oo labad ardaa ka kala tirsan, iyadoo Odayaasha fasax loo siiyey inay ku dhaadhacaan mililka hoose iyo waliba qodobbada biyo-kama-dhibcaanka ah ee arrintu ku xidhan tahay.
Labada Beelood ee hore dirirtu u dhex martay ayaa mid waliba waxa uu dhinaciisa ka oggolaaday inuu bixiyo wixii saami ahaan kaga soo hagaaga hawlihii Aaska ee dilalkii dhacay.
Gebagebadii wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay inay rajaynayaa inay hawsha ku soo Af jaraan ugu dambayn maalinta Berri ah.
Dedaalkan ay waftigani labada beelood ka dhex wadaan, ayaa u muuqata mid midho dhali karta haddii loo sii hagar baxo, waxana ay arrintani guul weyn u tahay waftigan, haddii ay hawsha ku dhameeyaan wanaag iyo is afragarasho dhex marta labada Beelood ee Walaalaha ah.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com