Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal Dheer oo Dalka Gudihiisa ah u xadhko xidhay Kulliyad Ciiddan-na xadhiga ka jaray
Hargeysa:14-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha dugsiga Tababarka ee Ciidamada Somaliland ee Deegaanka Dararweyne oo 30km dhinaca waqooyi\bari kaga toosan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay xidhig ka jarista Dugsigaasi, ayaa ka sokow waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano, taliyeyaasha ciidamadda kala duwan ee Somaliland, iyadoo halkaasna ciidanka kala duwan ee Somaliland ee dhawaan derajada qaatay ku soo badnigeen gaardis yaab leh.
Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaasi ka soo jeediyay Taliyeha Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ayaa waxa uu tilmaamay muhiimada ay ciidamadda u leedahay furitaanka Dugsigaasi tababar.
Waxa uu xusay in ciidamadda kala duwan ee Somaliland ay halkaasi ku tababaran doonaan isla markaana sare loogu qaadi doono tayadooda iyo aqoontoodaba.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay farxad weyn u tahay in uu xadhiga ka jaro dhismaha Xarunta Tababarka ee Dararweyne oo uu sheegay inay tahay buqcad muhiim u ah qaranka somaliland.
Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadda Somaliland looga baahan yahay sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen sumcada iyo karaamadda, dalkoodana ay u difaaci lahaayeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay isku ixtiraamaan derejooyinkii dhawaan la siiyey.
Markii uu madaxweynuhu dhamaystay xadhig ka jarista Xarunta tababarka ee ciidamada Somaliland ee Dararweyne, waxa uu u dhaafay Dhinaca Magaalada Berbera, halkaas oo uu soo dhagax dhigay mashaariic laga hirgelinayo Magaaladaas, waxana la sheegayaa inuu xadhiga ka soo jari doono waddooyin tiro badan oo marka dhererkooda la isku daro gaadhaya 9km oo ku yaalla badhtamaha maagalada Berbera.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa in uu Magaaladda Berbera u sii dhaafo dhinaca Gobolka Togdheer isaga oo socdaalkiisana ku soo Khatimi Doona Magaaladda Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad-madheedh oo aanu in muddo ah wax safar ah ku tegin.
Safarkan saaka uu u maleegtay madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka ka jirto xaaladdo siyaasadeed oo aan degenayni, waxana deegaanada Oodweyne ee uu haatan u socdo dhawaan ka baxday Shirkaddii shidaal baadhista wadday ee Genel Energy oo hanataaqo siyaasadeed ku keentay hoggaankiisa.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland