Mareykanka oo dar dar geliyay Hubeynta Mucaaridka Syria iyo nooca hubka la siiyay
NY Sept 13,2013(SDN)-Iyada oo ay socdaan dedaalo siyaasadeed oo la doonayo in lagu soo afmeero xaalada dalka Syria ayaa hadana waxa soo shaac baxday in dawlada Mareykanku hubeyneyso mucaaridka dalka Syria.
Wax asida laga soo xigtay ilo wareedyo la shaaciyay in Sirdoonka Mareykanka CIA-du ay hub casri ah u qeybineyso kooxda Xoreynta Syria.
Sida xogtani ay tibaaxeysana waxa hubkani Mareykanku u marinayaa mucaaridka gcan sadexaad ,khaasatan dal ka mida kuwa khaliijka.
Loay al-Mikdad oo ah afhayeenka kooxda Xoreynta Syria ayaa u sheegay jariirada AP in ay dhawaan Mareykanka ka filayaan hub.
ilo wareedyada ayaa sharaxaad ka bixiyay nooca hubka Mareykanku siinayo Mucaaridka,waxaana ka mid ah lidka duyuuradaha,lidka Taangiyada iyo qoryaha darandooriga u dhaca.
Si kataba oo xaal yahay waxa muuqata in Mareykanku mucaaridka Syria ku aamusinayo hub halkii ay ka filayeen duqeyn Mareykanku u geysto ciidamada Bashar al Asad.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com