|

Madaxweynaha Juba land oo Ka Hadlay Kulamadii dhex maray Weftigiisa iyo Dawlada Federaalka {DHAGAYSO}

Kismaayo 12.Sep 2013 (SDN)- Hoggaamiyaha maamulka Ku Meelgaadhka ah  ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day la-doonayey in lugu qaarajiyo, uuna nabadqabo..

axmed madoobe

Axmed Madoobe ayaa fara cididood waxa uu kaga badbaaday  weerarka loo adeegsadey miino waddada dhinaceeda la dhigay,iyadoo la sheegey in dad ka badan 7 Qof ay weerarkaas ku dhinteen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii  maanta lagu qaaday Hogaamiyaha  Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey in Dowladda Somaaliya ay si xoog leh  u cambaareyneyso weerarka lagu beegsaday kolonyadii Gawaarida ee uu la socdey Shiikh Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Somalia ayaa yiri waxaan leeyhay  shacabka goboladda Jubooyinka  si wada-jira  meel  ha oga soo wada jeestaan, dhagar-Qabayaasha bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. waxuuna Ilaaahey uga baryey dadkii ku dhintey Weerarka Is miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacey Magaalada Kismaayo inuu u Naxariisto.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Axmed Madoobe
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Madoobe12.mp3″]

Kismaayo SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed