|

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land oo Madax kala duwan Kulamo kula qaatay Magaalada Dubai

Dubai 12.Sep 2013 (SDN)- Magaalada Dubai ee dalka Imaraadka ayaa maalinkii labaad waxa ka socda shirweynaha saddexaad ee la-dagaalanka burcad badeeda kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha dibadda ee dalkaasi.

faroole iyo dubaiWafdi Madaxweyne Cabdiraxman Farole hogaaminayo ayaa ku sugan shirka, waxana si wayn dhinacyadu usoo dhoweyeen dadaalka Puntland u gasahay soo afjarida kooxaha burcada ah iyo kaalinta ciidanka Badda PMPF ay ka qaateen.

Kulamo gooni gooni ah ayuu Dr.Farole kula yeeshay Dubai qaar ka mida masuuliyiinta dalalka daneeya Somalia iyo ururada dowliga ah si Ergayga QM Somalia Nicholas Kay, Alex Rondod oo ka socda EU iyo kuwo kale.

Maanta 12 September, 2013 ayaa uu la kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Yemen Dr. Cabdalla Al-Qarbi, waxana ka sokow xiriirka Somalia iyo Yemen Puntland kala dhaxeeya mid gaar ahaaneed oo soo jiray sanado badan.

Shirka oo gelinka danbe ee manta la soo gaba gabayn doono ayaa lagu wadaa laga soo saaro qodobo dhaxalgal u noqonaya dadaalada lagu wiiqayo awooda kooxaha burcada baddaha Soomaliyeed.

Dubai SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed