|

Axmed Madoobe oo fara Cididood kaga badbaaday Weerar ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameedsaday

Kismaayo 12.Sep 2013 (SDN)-Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed  Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo kaddib markii qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku dhuftay gaari uu saarnaa hoggaamiyaha.

Axmed-Madoobe-300x198Wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa barqadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kaddib socdaal shaqo oo qaatay shan maalmood oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.

Warku waxa uu sheegayaa in  goobta uu qaraxa ka dhacay lagu  arkay maydka shan qof oo u badan dad rayid ah.

Dad dhintay ayuu sheegay inay ku jiraan qaar ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe.

In ka badan toban oo rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, bandow ayaana lagu soo rogay. Sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray.

Warku waxa uu Intaas ku darayaa  inay dhici karto inay korodho  tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxa.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed