|

“Ma Aqoonsani Dowladda Ka Jirta Soomaaliya” Madaxweynaha Wadanka Eritrea

Asmara 12.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afaweki ayaa sheegay in horay looga faafiyay warar been abuur ah oo lagu sheegay in uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya ee aqoonsiga ka heysata Qaramada Midoobay iyo beesha caalanka.

isaias-afewerki_12Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in dowladda haatan ka jirta Soomaaliya eysan waxba ka duwaneyn kuwii horay dalkaasi u soo maray ee ay hogaaminayeen madaxweynayaashii kala ahaa Abdi Qasim Salad, Abdulahi Yousuf, Sheikh Sherif ama kuwa ka arrimiya maamulada Puntland iyo Hargeysa sida uu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Afwerki oo wareysi siiyay TV isaga taageersan oo dalkiisa ka jira  in calanka Soomaaliyeed ee xidigta shanta gees leh ee ka babanaya xarunta Qaramada Midoobay uusan aheyn dal jira waa sida uu yiriye, wareysigan uu madaxweynaha Eritrea bixiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan suuqa la soo galiyay in uu taageersan yahay ama aqoonsan yahay dowladda ka dhalatay Soomaaliya.warkaas oo laga sooxigtay diplomaasiyiin udhashay Eritrea sida markii hore la sheegay .

Asmara SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed