Somaliland oo sheegtay inay Garba duuban yihiin Wixii ku Salaysan la dagaalanka Budhcad baddeeda, ictiraaf la’aan darteed
Dubai 12.Sep 2013 (SDN) Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Uga Mahad celiyay Daneeyayaasha la dagaalanka Budhcad badeedu Kaalinta ay ku Leeyihiin in Somaliland noqoto Goob ka nabdoon hawlaha Budhcad badeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa hadalkan ka Sheegay Xidhitaankii shirweynihii Caalamiga ahaa ee ka hortaga Budhcad Baddeeda ee lagu qabtay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo uu Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland Md. Maxamaed Biixi Yoonis khudbad uu ka jeediyay waxa uu yidhi “Somaliland waxay ku faantaa hormoodka koowaad ee ay ka tahay la dagaalanka Budhcad Baddeeda ee Gobolka, iyadoo ay yar tahay Resource-ka ay haysataa. Waxaannu abuuray ciidamada ilaalada xeebaha oo tayo leh, kuwaasoo xeebahayaga ka dhigay meel ka caagan inay noqoto Saldhiga Budhcad Baddeedka.
Wasiirka oo ka hadlaya Maxaabiis ay Somaliland Gacanta ku dhigtay iyagoo ku jira falal budhcad badeed ayaa Yidhi “Ku dhawaad 100 (Boqol) qof oo ku eedaysan falal Budhcad Baddeednimo ayaanu ku qabanay xeebaha Somaliland, iyadoo 10 (Toban) ka mid ah ay sugayaan in Maxkamada lagu saaro magaalada Berbera ee Somaliland”.
Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa uu iftiimiyay Wada Shaqaynta ay Beesha Caalamka kala leeyihiin la dagaalanka argagixisada iyo Xuquuqda ay Ummada Somaliland ka rabaan Dunnida inteeda kale taas oo la’aanteed Wiiqi karta Nabadgalyada Mandaqada waxaanu Yidhi“Waxaannu Bulshada Caalamka (International Community) ugu mahad celinaynaa kaalmada joogtada ah ee ay noo fidiyaan, waxaanuna halkaas ka sii wadi doonaa wada shaqaynta aannu la leenahay Quwadaha Caalamiga ah ee Badaha iyo dawlada Somaliya.
Hase ahaatee, aqoonsi la’aan iyo xuquuqda uu aqoonsigu siiyo dalalka xorta ah oo naga maqan darteed ayaanaan si habboon u maamuli Karin dhaqaale ahaan, suurtogalna ma aha inay ciidamada Baduhu ku soo xidhaan Dekedahayaga. Waxaannu ka qatanay mucaawimooyinka muhiimka ah ee noo suurtogelin lahaa la dagaalanka Budhcad Baddeeda.
Haddaba, waxaannu u sheegaynaa bulshada Caalamka in aanaan awood ahaan waxba la hadhay si aannu Gobolka uga sifayno khatarta Budhcad Badeednimada, waxaanuna sii wadi doona wada shaqaynta, laakiin ilaa aannu helo aqoonsi waannu Garbo Duubanahay”
Wasiirka Arrimaha Dibadu waxaa kale oo uu Khudbadiisa kaga hadlay faa’iidooyinka uu Aqoonsigu u leeyahay Somaliland iyo dalalka kale ee Mandaqada “Somaliland waxay baadi-goobaysay inay aqoonsi caalami ah hesho, loona aqoonsado Qaran madaxbanaan ilaa sannadkii 1991-kii. Aqoonsigu faa’iidooyin badan oo keliya dadka reer Somaliland uma laha, waxa uu wax weyn ka tari doonaa danaha istiraajiyadeed ee muhiimka ah ee Caalamka. Oggolaanshaha aqoonsi Somaliland ka hesho Caalamku waxa uu hore-u-marin doonaa Nabadgelyada, dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada gobolada ugu xasiloonida daran adduunka.
Somaliland waxa u dejisan qorsheyaal sii xoojinaya la dagaalanka budhcad Baddeedka ee aayaha dambe, oo ay ka mid tahay curinta Istiraatijiyada Badaha ee Qaran ‘National Maritime Strategy’. Istiraatijiyadan waxay hoosta ka xarriiqaysaa Duruufaha gaarka u ah Somaliland, iyadoo la xidhiidhsan qorshaha Horumarka Shanta Sanno ee Somaliland”
Dubai SDN.
Qurbejoog,com