|

Reer Berbera Oo Surmi, Harraad iyo Kulayl La Sarbacaadsan iyo Badhasaabka Gobolka muquurasho ku jira.

Berbera:12-Sep-2013(SDN)-Magaalada Berbera ee caasimadda Gobolka Saaxil, waxa in muddo ah shacabka Ku nool soo food-saartay biyo la’aan baahsan oo aanay hore u arag oo ay u raacday Kulayl xad-dhaaf ahi.

biyo yaraanGuud ahaanba Bulshada ku dhaqan magaalada Berbera ayaa la ildaran kulayl ay biyo la’aani u raacday oo aanay hore u arag, taas oo saamayn xooggan ku yeelatay noloshoodii oo aan marnaba ka maarmi Karin Biyo ay helaan oo markii hore joogto ahaa.

Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay biyo yaraantan soo foodsaartay magaalo-xeebeedda Berbera, waxana aan shacabka Harraadka iyo kulaylku isku galeen aan jawaab qancisa wali siinin masuuliyiinta Gobolkaas oo uu ugu horreeyo Badhasaabka Cali Maxamed Cilmi oo isagu inta badan  ka maqan xafiiskiisa shaqo.

Dadka Reer Saaxil ayaa  haatan la cid ay uga cawdaan Biyo Yaraanta haysata, iyadoo maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berberana si toos u sheegay inaanu waxba ka qaban Karin Aafada Biyo la’aaneed ee halkaas ka jirta, waxana ay  taasi shacabkii u ridday niyad jab kale ooh or leh.

Shacabka reer Berbera oo harraad la soomal-haadsan ayaa subaxyo badan isku dayey inay cabashadooda la hor tagaan Badhasaabka Berbera Cali Maxamed Cilmi, waxase dhacday inay ku guul-darraysteen inay helaan masuulkan oo ka soo xaadiri waayey xafiiskiisa Berbera.

Dadka Reer Berbera qaar ka mid ah ayaa aaminsan in xafiiskii Badhasaabka loo raray meel kale oo cusub, maadaama aanay suurogal ahayn in xafiisku muddo intaas le’eg xidhnaado.

Wariyaha Gobolka Saaxil ee  shabakadda wararka ee Qurbejoog.com oo u kuurgalay xaafadaha biyo la’aanta xoogani ka jirto oo ay ka mid yihiin burco sheekh ayaa  soo ogaaday  in sababta biyo la’aanta keentay ay tahay kadib markii biyaha xooggoodii loo leexiyey maxjarada xoolaha ee magaaalada  lacag badan ka soo gasho  wakaalada biyaha sidaana lagu ilaaway dadkii noolaa oo laga door biday xoolo la dhoofinayo, waxana xaafadaha badidoodu adeegsadaan Biyaha Maayo-saxada, iyadoo dadkii Danyarta ahaana harraaddan yihiin.

Badhasaabka gobolka saaxil aya isagu hore u sheegay inuu wax badan ka qaban doono biyo aanta baahsan ee jirta , balse wakhtigan wax jawaaba kama bixin biyo la,aanta, Harraadka,iyo cabashooyinka is barkan ee Gobolkiisa hadheeyey.

Ugu dambayntii shacabka reer Berbera oo haatan u muuqda qaar noloshoodii laga doorbiday xoolaha nool ayaa ugu fadhiya xukuumadda Somaliland inay noloshooda halista ku jirta u gurmato oo kulaylka iyo Biyo la’aanta wax looga qabto.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed