“Waxa kaliya ee aanu aragnay waa Askar qoryaha keebka haysata oo aanu la yaabanahay, waxa masuuliyiin ah oo aanu ilaa iyo hadda aragnayna ma jiraan” Marwo Canab Cali (mid ka mid ah rakaabka cabanaya)
Hargeysa:12-Sep-2013(SDN)- Shacab tiro badan oo ilaa iyo Haatan dalka ku caddilan oo rakaab u ahaa Diyaaraddii Ethiopian Airline, ayaa maalintii shalay markii labaad ku mudaharaaday badhtamaha caasimada Hargeysa.
Rakaabkan ay diyaaradda Ethiopian Airline dalka kaga tagtay oo iskugu jira Duulimaadyo kala dambeeyey oo aan dalka ka bixin, ayaa maalintii shalay basas ay jigjiga u raaceen laga soo celiyey Duleedka caasimadda Hargeysa, iyadoo aan wax sabab ah loo sheegin.
Dadkan rakaabka ah ayaa markii la soo celiyey Basaskii ay fuushanaayeen, waxa ay mudahaaraad cabasho ah ka dhex sameeyeen Badhtamaha Magaalada Gaar ahaan Agaagaarka dhismayaasha xukuumaddu ku badan yihiin ee Gobolka, iyadoo halkaasna loogu diyaariyey ciidamo badan oo ka hor istaagay inay cabashadooda sii wadaan.
Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka gaar ahaan xisbiga waddani masuuliyiin ka socda ayaa iyaguna goobtaas dadka rakaabka ah ee cabanayaa joogeen soo gaadhay si ay ula qaybsadaan dhibta haysata, iyagoo hadallo koobanna xukuumadda u jeediyey.
Ugu horrayn qaar ka mid hawl-wadeenada Shabakadda wararka Qurbejoog.com oo ku sugnaa madashaa dadka dhibaataysani joogeen, ayaa waydiiyey dadkii cabanayey dhibta haysata iyo leel-leelka lagu hayo, iyagoo sheegay inay yihiin dad shaqaale ah oo ubadkoodii waxbarashadii ka habsaameen.
“Anigu ingiriiskaan ka imi oo gabadhan yar baan keenay markii ugu horraysay dalka intaas oo ayaamood baan ku jiraa sii soco soo soco, dhibaabatada na haysatana wax cudur daar ah looma samaynin halkaas uun baanu imanaynaa safaf baanu gelaynaa waanu ka baxaynaa” ayey tidhi marwo Aamina oo ka tirsan rakaabka inta badan ku caddilnaa suuqyada caasimadda iyo xafiiska Diyaaradda Ethiopian Airline.
Mar ay marwo Aamina ka hadlaysay bal dhibka ay filan doonto maadaama ay si weyn u habsaantay, islamrkaana ay shaqaale tahay, waxa ay tidhi, “Waxa ay u badan tahay in la igu ganaaxo ciyaalkan oo iskuulkoodii ka habsaamay anigana waa la I ganaaxayaa.”
Nin magaciisa ku sheegay Xamse oo rakaabka ka mid ahaa, ayaa isaguna ka warramay dhibta qabsatay intii ay raadinayeen duulimaadkooda iyo waxyaabihii ay arkeen iyo waliba waxa ay ka filayaan dawladaha ay dhalashadooda haystaan mar haddii ay dhaafeen wakhtigii tigidhkooda ku qornaa, waxana uu yidhi, “waxan ka imi Sweden, waana maalntii labaad ee nala soo celiyey, basas baa nalagu guray oo nalagu yidhi jigjigaad diyaaraddii ka raacaysaan, annagoo kantaroolkii Hargeysa gaadhin baa nala soo celiyey, qofkasta shaquu ka yimi oo qandaraas baanu ku jirnaa nala saayiri maayo oo waa naga eryayaa shaqadayadii.”
Canab cali oo ka tirsan rakaabka tabaalaysan ee wali aan helin wax ay raacaan, ayaa iyaduna sheegatay handidaad badan oo ay ciidanka amaanku u geysteen iyagoo aan wax rabash ah samaynin, waxana ay tidhj, “Dhibaato badan baanu tirsanaynaa ciidankuna way na handidayaan, khalkhalkan iyo dhibaatadanna dawladdu iyadaa dalka ka saari karta, waayo Ethiopia Airline dalka ma laha Waxa nala leeyahay dhibaatadu Garoomada ayey ka jirtaa, waxanina wax aanu filaynay ma ahayn, meesha waxa jooga dad ilaa saddex cisho dib u dhacay laba duulimaad oo kale ayaa kansal garoobay.”
Mar ay marwo canab ka hadlaysay cidda ay arkeen intii ay dhibaatada tirsanayeen, waxa ay tidhi, “Waxa kaliya ee aanu aragnay waa Askar qoryaha keebka haysata oo aanu la yaabanahay, waxa masuuliyiin ah oo aanu ilaa iyo hadda aragnayna ma jiraan, annaga iyo diyaaraddaasina waanu isku cakiranahay, waxa meesha joogaana waa Maato dumar iyo carruur ah.”
Xog-hayaha war-faafinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee waddani Maxamed Dirir oo halkaas ku sugnaa, lana qaybsanayey dhibka ay dadkaasi qabaan, ayaa si kulul xukuumadda ugu dhaleeceeyey shacabka la handidayo, waxana uu tilmaamay inay xukuumaddu dhuumasho dhabarku muuqdo ku qarinayso lacagtii garoonka Hargeysa loogu talo galay oo la lunsaday, waxana uu yidhi, “Arrintani waxa ay ku daba leedahay Hantidii umadda ee Airport-ga Hargeysa ee la lunsaday, xukuumadduna waxa ay doonaysaa inay arrintaas damba-basto oo ay qariso hantidaa luntay, waxana ay diiddan tahay in diyaaradihii fadhiisan kari waayey Garoonka Hargeysa ay fadhiistaan Berbera, waxana ay doonayaan inay qariyaan xaqaa ay lunsadeen, dadkana waad arkaysaa shan cisho ay taagan yihiin bacadka, sidaas darteed sidii aanu hore u sheegaynaa mar haddii ay gudan kari weyday xilkii loo igmaday inay xilka iska dhiibto.”
M axamed Dirir oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sifeeyey abaalka ay dadkan qurbaha ka yimi ee dhibaataysani u galeen xukuumaddan maanta talada haysa, waxana uu yidhi, “Qurbejoogga ay sidan u silcinaysaa waa kuwii u soo ururiyey kharashkii ay xukuumaddii Rayaale kula tartantay, xukuumadduna ma ogala in cidi kala hadasho.”
Waxa kale oo Maxamed Dirir sharaxaad ka bixiyey tallaabada ay xisbi ahaan qaadi doonaan Haddii ay xukumaddu wax ka qaban weydo dhibta dadkan lagu hayo, waxana uu yidhi, “Xukuumaddu haddii ay ay arrintan wax ka qaban weydo, oo ay ku xallinayso arrintan, shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ahi way tashan doonaan tallaabo wada-jir ahna way qaadi doonaan.”
Dadkan dhibaatadu ku hayso magaalada Hargeysa dhexdeeda ayaa ah qaar maato iyo carruur ah oo shaqooyin ka soo fasax qaatay, islamarkaana uu fasaxii ka dhamaaday, waxana ay ka warwarsan yihiin waxa ay kala kulmi doonaan dawladihii ay ka yimaadeen, maadaama ay yihiin muddo dhaaf dhinaca shaqada iyo iskuulada carruurtaba.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com