|

Haweeney hab aan hore loo arag dooneysay in au Maandooriye uga dhoofiso dalka Colombia

Bogota Sept 12,2013(SDN)-Haweeney u dhalatay dalka Canada ayaa hab nooceeda aan hore dunida loogu aragtay dooneysay in ay maandooriye uga soo dhoofiso dalka Colombia.

Tabitha Leah Ritchie oo 28 jir ah ayay booliska Colombia sheegeen in ay dooneysay in ay duyuurad ku socota magaalada Toronto raacdo iyada oo isku soo ekeysiisay in ay uur leedahay.

uur

Haweeneydan ayaa kolkii la baaray ay soo baxday in aaney uur laheyn balse ay 2 kilogram oo maandooriye ah ay caloosha ku sidatay.

Boolisku waxa ay sheegeen in ay haweeneydu sameysatay wax calool u eg oo laga sameeyay Latex ka dibna maandooriyaha laga buuxiyay.

Tabitha Leah Ritchie ayaa Colombia tagtay bishii ina dhaaftay ee August kolkee ahed lix,waxaaney shegatay in ay tahay ruux ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Safaarada Canada ee Bogata ayaan ilaa iyo haatan wax tafaasiil ah ka bixin qisadan la yaabka leh iyo xaalada haweeneydan.

Booliiska dalka Colombia ayaa sheegay in xabsiyada dalkaasi ay haatan ku jiraan ilaa 874 ruux oo reer galbeed u badan oo lagu qabtay maandooriye.

SDN-Bogota
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed