Cali Gurey oo Digniino adag u diray Hay’adaha Tacliinta Somaliland
Hargeysa Sept 12,2013(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujj Cali Gurey ayaa si adag u hadlay in la siyaasadeeyo waxbarashada dalka Somaliland.
Cali Gurey waxa uu intaa raaciyay in maalin uun lala xisaabtami doono masuuliyiinta sida xun ee siyaasadeysan u maamula tacliinta dalka,hadlkiisiina waxa ka mid ahaa”Dhamaan haya’daha waxbarashada waxa looga digayaa inay dhex galaan arimaha siyaasadda iyo in aydin siyaasaday saan tacliinta. Waa arin halis ah waxad maanta samayso ama Xirsi ii samee ku yidhaahdo eed ka yeesho waa in aad beri daafici karto.
Walaahi in aan la isku saamixi doonin. Cidda ka waantoobi waydaa ha ogaato in cahdiga Xirsi uu dhamaan doono adiga aad la dhamaan doonto. Waana in aad ku talo gashaa in beri aad ka jawaabi karto. Waxan idin leeyahay hadii aad bahda tacliinta tihiin ma siin kartaan qof na wax aan ilaahay siinin qof na kama qaadi kartaan wuxu ilaahay siiyay. Waxad maanta samayso hadii beri lagugu qiimeeyo yay kula xumaan.”
SDN-H
contact@somalidiasporanews.com