|

Xisbiga Ucid oo soo Bandhigay Toban Qodob oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku fashilantay inay fuliso

Hargaysa 11.Sep 2013 (SDN)- Xoghayaha warfaafinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Somaliland Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa maanta ka hadlay qodobo la xidhiidha hawlaha xukuumada kuwaas oo ay dhamaantood ka baaqsatay.

Xoghaya warfaafinta ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Yuusuf Kayse waxa uu soo bandhigay toban qodob oo uu sheegay inay ku fashilantay xukuumada Somaliland kuwaas oo uu tilmaamay inay ka mid yihiin waxyaalaha xukuumada looga fadhiyey inay qabato, isaga oo tilmaamay inay xukuumada ku fashilantay qodobo ay inta badan ku faanto.

yuusuf UcidXoghaya warfaafinta xisbiga Ucid oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “ waxaan maanta doonayaa inaan ka hadlo qodobo la xidhiidha arimaha loo baahan yahay inay xukuumada qabato balse ay ku fashilantay, kuwaas oo qaarkood ay xukuumadu ku faanto inay u hir galeen”

Xoghaya warfaafinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday toban qodob oo uu sheegay inay ku fashilantay xukuumadu waxaanu yidhi “ xukuumada waxay ku fashilantay in fuliso qodobadan

1. Doorashooyinka Golaha Deegaanka Oo ay Ku Fashilantay Xukuumadu

2. Dib u dhiska Madaarka Caasimada Hargeysa Oo Siweyn Loogu Fashilmay.

3. Markii ugu Horaysay Ee Cayaaraha Gobolada Laga Dhigay Qabyaalada Iyo Is kooxaysi.

4. Shirkasii Qodaysay Shidaalka Somaliland Oo la fahmi la yahay ilaa hadda sababta ay dalka uga baxday.

5. Wada hadalada Somaliland iyo somaliya oo ay ku fashilantay xukuumada.

6. Markii ugu horaysay oo la arko nin aan loo magacaabin wax xil ah oo hadana mudoo todobaad ah maamula wasaarad.

7. Tahriibta dhalinyarada Somaliland oo hadal daysay faraha kabaxday tirade maalinkasta isaga hayaama Somaliland.

8 Camal la’aanta Ka jirta Dalka Oo Maalinba maalinta ka danbaysa Kor usii kacaysa iyadoon loo samynin wax shaqo abuuris ah dadweynaha muwaadiniinta ah.

9.Hooyooyinka iyo Xaasaskoodii  SNM Oo Markii ugu Horaysay La xidh xidhay Iyagoo Ku Doodaayay Waxay xaq u leeyihiin.

10.Saxaafada Oo La cabudhiyay iyadoo loola dhaqmo si aad iyo aad u liidata laguna xad gudbo xoriyatal qawlka.

Hargaysa  SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed