|

Wada hadal dhex maray Madaxweynaha Juba land iyo Madaxda Dawlada Federaalka Somalia

Muqdisho 11.Sep 2013 (SDN)- Madaxwaynaha mamulka Jubaland Shiikh Axmad Madoobe oo maalmihi ugu danbeeyay ku sugnaa Muqdisho ayaa kulamo la qaatay madaxda dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah Odayaasha gobolka.

Dhismaha Maamulka iyo dhamaystirka heshiiskii DF Somalia iyo maamulka KMG Juba ayaa laga Axmed Madoobe wafdiga uu hogaaminayo kala hadleen madaxda Federaalka ee Muqdisho.

madoobeAfhayeenka mamulka Jubaland Cabdinaasir Seerar Maax oo qayb ka ah wafdiga Axmad Madobe ee Muqdisho ayaa warbaahinta u Sheegay inay guul kusoo dhamaatay dhamaan wada hadaladii ay madaxda  Muqdisho kula yeesheen dowlada iyo Odayasha dhaqanka.

Cabdinaasir Seerar ayaa sidoo kale sheegay inay kulan la qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Shiikh Cismaan ayna ka wada hadleen arrimo muhiim ah,waxana lagu wadaa dhowaan inay dib uga laabtaan magalada Muqdisho.

Ra’iisulwasaraha Somalia Shirdoon ayaa kulan sagoontin ah wafdiga Axmad Madoobe maantay u sameeyay,wuxuuna soo dhaweeyay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Addis ababa.

Mamulka Jubba ayaa diyaarinayo Shirwayne ballaaran oo lagu qabto magalada Kismayo kaasoo sida uu qorshuhu yahay ay kasoo qayb gali doonan wafdi uu madaxwaynaha Somalia hogaaminayo,waxana shirkaasi lagu sii dhamaynayaan inta ka dhiman wada hadalka Jubba iyo DF.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed