Wasiiro Si adag uga Hadlay Dhaliilaha Mucaaridka ee Sahaminta Shiidaalka,& Diyaaradda Itoobiya oo Hakisay Duulimaadyadeedii {DHAGAYSO}
Hargaysa 11.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu weheliyo Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cisman C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta Wasaarada Warfafinta waxa ay caddeeyeen in aanay jirin wax nabadgalyo darro ah oo sababi kara in ay dalka ka baxaan shirkadaha maalgashiga iyo ganacsiga dalka ka wada.
Shirkaa jaraaa’id waxa Wasiirka Warfaafintu ku sheegay in maalmihii u dambeeyay mucaaradku yool ka dhiganayeen shirkadda sahanka shidaalka ka waday gobolada dalka Genel Energy iyo baaqashadii koobnayd ee diyaarada itoobiyaan Air-Line.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee labada Wasiir
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Cukuse&Cadani.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com