|

Gobolka Quebec ee dalka Canada oo xafiisyada Gobolka hoostaga ka mamnuucaysa Astaamaha Diimeed iyo dawlada dhexe oo ka hadashay

Montreal Sept 11,2013(SDN)-Gobolka Quebec ee dalka Canada ayaa shalay shaacisay in dhamaan astaamaha diimaha kala duwan laga mamnuucay xafiisyada dawlada iyo kuwa ay dawlada Gobolku maalgeliso.

Guddoomiyaha Gobolka Quebec Pouline Marois ayaa sheegtay in dawladeedu aaney u dulqaadan doonin in diimaha kala duwani lagu soo bandhigo xafiisyada dawlada Gobolka.

Xeerarkan oo haatan la soo bandhigay uun ayaa dawladu dooneysa in shicibku ka soo talo bixiyaan inta aanay dhaqan gelin

Goobaha uu sharcigani kolka uu dhaqan galo saameyn doono waxa ka mid ah Dugsiyada,cusbitaaladamgoobaha xanaanada caruurta iyo xafiisyada dawlada.

que
Arinka ayaa dood weyni ka dhalatay iyada oo dadka diimaha kala duwani ay aad u diideen,halka shicibka gobolka ee kale ay qaar ka mid ahi soo dhaweeyeen.

Dawlada dhexe ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayaan sida shuruucdani ula jaan qaadi doonto shuruucda xuquuqaha aasaasiga ah.

Wasiirka Cadaalada Canad a Jason Kenny ayaa sheegay in Quebec ay haatan baadi goobeyso dagaal siyaasadeed oo ay la gasho dawlada dhexe.

“Waanu eegeyna sharciyan micnaha shuruucdan,Canada waa dal qof walba ay tahay in uu dareemo in uu dalkiisii yahay”ayuu yiri Mr Kenny.

Gobolka Quebec oo luuqada Faransiiska looga hadlo ayaa hore waxa uga jiray caqabado la xiriira luuqadaha.

Taas oo keentay in ay dad badan oo u badan ganacsato ay gobolkaasi isaga haajiraan,talaabadan ayaa keeni karta in mar kale dadku isaga yaacaan gobolka Quebec.

SDN-Montreal
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed