|

Bucharest oo shaacisay in ay la keyn doono Eyda aaney cidi laheyn.Maxey tahay sababtu?

Bucharest Sept 11,2013(SDN)-Dalka Rumenia ayaa baarlamaankiisu ay cod ku ansixiyeen in la laayo kumanaan Ey oo magaalada caasimada ah ku nool oo aaney cidi laheyn.

Duqa Caasimada Bucharest Sorin Oprescu ayaa shaaciyay in haatan la baajiyay cod dadka ku nool caasimada ay u qaadi lahaayeen waxa laga yeeli doon Ey faro badan oo magaaladaasi ku nool.

Eyda magaaladaas ku nool ee aaney cidi laheyn ayaa dhawaan weeraray dhawr ruux oo caruurina ka mid tahay.

Haweenye ay Eydani weerartay ayaa dhawaan geeriyootey,ruux Japan u dhashay oo Bucharest booqanayay ayaa isna aydani dileen,dhawaana ilmo 4 jir ah waxa dhawaac ka soo gaaray weeraray Eydan.

Si kastaba oo ay tahay waa markii u horeysay ee dunida ay magaalo gaarto goaan lagu leynayo xayawaan tiradan leh.

SDN-Bucharest
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed