|

Dubai: Saylici iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saylici oo si wada jir ah Kulaalaya Shirka Budhcad-badeedda ee Imaaraadku Qabanayo

Dubai:11-Sep-2013 (SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan, Xildhibaano  Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya  iyo masuuliyiin kale  ayaa habeenkii xalay ahaa gaadhay magaalada  Dubai ee  Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

mujjjGaroonka  Diyaaaradaha ee  Madaarka Boqortooyada waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda  Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomaliya u fadhiya  Imaaradaka Carabta  Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.

 

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga budhcadbadeeda iyadoo sanadkan looga hadlayo mawduucyo kala  ah “Ka Hortagga Budhcad-Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awoodda ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.sidaasina waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Eng.Cabdiraxmaan Yiriisow oo Gobanimonews soo gaadhay.

 

Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.

 

Ma cadda in qaybaha kale Somalida oo sanadkii hore dhamaantood ka qayb-galay shirku goob-joog ka ahaan doonaan iyo in kale, hase ahaatee waxa magaalada Dubai ee isutaaga imaaraadka Carabta safar mugdi badani hadheeyay ku jooga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kaasoo tan iyo markii dorraad uu ka ambo-baxay Magaalada Berbera wax war ah aan laga hayn ujeedada biyo kama dhibcaanka ah ee Safarkiisa.

 

Sida ay Qurbejoog.com u sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed  Cabdiraxmaan Saylici ayaa la filayaa inuu Somaliland uga qayb-galo shirkan oo muhiim u ah marka laga hadlayo arrimaha Budh-cad badeeda oo ay kala shaqayso Beesha Caalamka, inkasta oo sanadkan lagu soo daray ajandihiisa arimo kale oo ku saabsan dib u dhiska adeegyada Bulshada ee dawlada somaliya.

 

Waxa loo filayay inuu xaga Somaliland  ka qayb-galo Wasiirka arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo safar kedis ah  oo salka ku haya bixitaanka shirkadda sahaminta shidaalka ee GENEL ENERGY ku tegay Dalka Ingiriiska, kaasoo isaga iyo wasiirka Macdantu  gaadheen Magaalada London.

 

Sidaasi darteed shirkan oo xisbiyada  Mucaaridka ah ee Somaliland laftoodu si weyn isha ugu hayeen su’aalo-na ka waydiiyeen xubno ka mid ah wasiirradu, ayaa ilowareedyadu sheegayaan in markii culayska bixitaanka shirkaddu yimi, xukuumaddu go’aansatay in madaxweyne ku-xigeenku shirka dubal ka qayb-galo.

 

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda oo shirku furmayo, ayaa loo dheg taagayaa cida Somaliland u meteli doonta iyo inay sanadkan ka kaaftoontay tegitaankiisa, wallow ay hore goob-joog uga ahayd kuwo kale oo kan ka miisaan yar.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed