|

Sababaha Rasmiga ah Ee Loo Aaanaynayo Hoos u dhaca Natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada Dawliga ah

Hargeysa:11-Sep-2013 (SDN)-Iyadoo maalintii shalay lagu dhawaaqay Natiijadda Imtixaanaadka Fasallada 4-aad iyo 8-aad ee Somaliland, ayaa waxa ka soo baxay Natiijo yaab leh oo aan maskaxda geli Karin.

zamzamArdaydii keentay Natiijadii ugu sarraysay sanadkan waxa ay noqotay Qaar ka socdo Dugsiyo Gaar loo leeyahay, waxana meessha laga waayey Magaca Dugsiyada Gaarka loo leeyahay oo xukuumaddu dhaqaale ku bixiso.

Marka aad eegto Ardayda keentay Natiijada ugu sarraysa Dugsiyada Afraad ee Somaliland ma jiro Hal arday oo ka soo jeeda Dugsiyada Dawladda, waxana ay dhamaantood ka soo jeedaan Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iyagu sanad walba wacdaro ka muujiya natiijada imtixaanka ee kama-damabaysta ah.

Sidoo kale marka aad eegto Tobanka Arday ee fasaladda Siddeedaad ugu sarreyey dalkoo dhan, waxa ay dugsiyada Dawladdu maamushaa kuu leeyihiin kaliya laba Arday oo ka kala socda  Dugsiyada Laanta Hawada iyo Qudhac dheer oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Inkastoo aanay jirin wax arday ah oo ka dhacday Dugsiyada Sare ee Somaliland, haddan Dugsiyada Dawladdu Natiijo fiican badanaa ma ay keenin oo waxa markasta ka natiijo fiican ardayda ka socota dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa lacag intii hore ka badan haatan ku bixisa Waxbarashada gaar ahaan Dugsiyada ku abtirsada ee ay maamusho, waxase sanadba sanadka ka sii dambeeya ka sii daraysa oo sii lumaysa tayada Dugsiyada Dawliga ah, iyadoo  taasina ay warwar iyo dib badan ku hayso Dadka danyarta ah ee Aan awoodi Karin inay ardaydooda geeyaan Dugsiyada gaarka looo leeyahay ee sida fiican wax loogu dhigto.

Sababaha loo aanayn karo Hoos u dhacan sanadba sanadka ka sii dambeeya ku imanaya Dugsiyada  Dawladdu gacanta ku hayso, ayaa loo nisbaynayaa tayo xumo haysata macallimiinta wax ka dhigta Dugsiyadaas iyo kaantarool  la’aan ka haysata dhinaca waxbarshada.

Wararka ku dhaw dhaw Dugsiyada Dawladda ayaa sheegaya inaanay jirin nidaam kala dambayneed oo halkaas ka jiraa, waxana la sheegayaa inaan cidiba maamulin macallinka dugsiyadaas wax ka dhiga oo uu xilliga uu doono imanay marka uu rabona maqnaanayo, taas oo keentay faraq weyn oo ka soo baxa nidaamkii ardayda wax loogu dhigayey.

Sidoo kale macallimiinta haatan wax ka dhigta Dugsiyada Dawladdu gacanta ku hayso ayaa intaada badan ah qaar daalay oo xilliyo hore wax dhigi jirey oo aan laba haysanin waxbarashadan casriga ah ee haatan la fudaydiyey iyo qaabkan duinidu u kala faa’iidaysato, kuwaas oo lagaga dheereeyey dhinaca tignoojiyadda casriga ah.

Macalliniintii tayada lahayd waxa dhamaantood lacago aad u badan ku kiraystay iskuullada gaarka loo leeyahay, taas oo keentay in tayadii Dugsiyada dawladdu god dheer ku dhacdo oo Ardayda intii lacagta haysatayna iskaga yaacdo, waxana haatan Dugsiyada Dawladda ku soo hadhay kaliya ciddii aan awoodi karaynin inay iska bixiyaan lacagta badan ee dugsiyada gaarka ahi qaadaan.

Wasaaradda waxbarashada ayaa la sheegayaa inaanay wax dabagal ah oo sidaas u sii weyn ku qaadin Dugsiyada ay maamusho iyo cidda ay u dhiibtay, taas oo meesha ka saartay nidaamkii kala dambayneed ee wasaaradda iyo dugsiyada u dhexeeyey, waxana haatan jirta in Maamulayaasha Dugsiyada dawladdu hab qabiil ku joogaan Dugsiyada ay maamulaan oo ay jiraan qaar aan cidiba ka qaadi Karin oo awood reereed meelaha qaarkood ku haystaa.

Iyadoo ay muuqato in sanadba sanadka ka sii dambeeya ay meesha ka sii baxayso tayadii Dugsiyada Dawladdu tan iyo markii ay samaysmeen Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, haddan wali ma muuqato wax tallaabo ah oo ay wasaaradda waxbarashadu qaadday si ay u soo celiso tayadii ka luntay dugsiyadeeda, taasina waxa ay niyad-jab weyn ku keentay Ardayda Danyarta ah  oo ku qasban inay Dugsiyada Dawladda joogaan, maadaama lacag ahaan ay naasil yihiin.

Guntii iyo Gebagebadii wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa looga baahan yahay inay dejiso nidaam hufan oo lagu soo celinayo tayadii Dugsiyada ay gacanta ku hayso iyo kalsoonidii dadku ku qabeen oo meesha ka baxday, waxana bulshada ku sii badanaya warwarka ku aaddan dhibkan taagan iyadoo xukuumaddu lacag badan sanad kasta ku bixiso kor u qaadidda waxbarashada dalka.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed