|

Soomaali ku nool Minneapolis oo ka cabanaya aqalo ay ku nool yihiin

Minneapolis Sep11,2013(SDN)-Soomaalida ku nool xaafada Riverside Plaza ee magaalada Minneapolis ayaa cabasho weyn ka soo jediyay xaalada nololeed ee aqalada ay ku nool yihiin.

Xaafadan oo ay ku yaalaan 11 dabaq oo Soomaali fara badani ku nooshahay ayaa ah qaar aan marar badan laheyn adeegyada ay dadka degeni u baahan yihiin.

Dhinacyada amaanka iyo dayactirka aqalada ayaa ugu badan cabashada dadka Soomaalida ah ee ku nool dabaqyadan.

Soomaalida ayaa cabashoodada aan waxba laga qaban mudo iminka iyada oo dabaqyada dhawaan la geliyay aduun ka badan $132 million oo dayac tir ah.

Qaar ka mida Soomaalida ku nool xaafada Cedar-Riverside ayaa isku soo bax arintan ka sameeyay ayaa cabasho u gudbiyay mulkiilaha 11ka sar.

Dad intaa ka badan oo la filayay in ay isu soo baxa ka qeyb qaataan ayaa ka baqday shirkada maamusha sarahan cabashadu ka jirto.

Maxamed Jaamac oo ah madaxa ururka dhalinyarada Cedar- Riverside ayaa sheegay in Soomaalidu aamin san tahay in laga faaiideysanayo,isla markaana ay ka baqo qabaan hadii ay cabashooyinkooda soo bandhigaan in aqalada laga saaro.

Fartun Roble oo ka mida dadka ku nool sarahan ayaa sheegtay in tiraba dhawr jeer oo ay dalbatay in loo soo gurmado ka dib kolkii dad aqalkeeda u soo dheceen aan loo iman.

“Waxa dhici kareysay in dadka ii soo dhacay ay midiyo ama bastoolado ku hubeysnaayeen,la iimana iman”ayay tiri Fartun Roble.

Ifrax Hurre oo iyaduna ku nool isla sarahan adeegsatana gawaarida dadka curyaamiinta ah ayaa sheegtay in ay dhibaato ku qabto elevatorada ama aaladaha dadku raacaan.

Waxaaney sheegtay in dhar jeer maqsinkeeda oo ku yaal dabaqa 30naad laga soo xanbaaray ka dib kolkii elevatorku jabay.

Si kastaba ha ahaatee cabashooyinkan oo ah qaar soo noqnoqday ayaa loo gudbiyay shirkada maamusha daarahan dhaadheer.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed