Laba Wasiir oo Xidid isu ah oo ay Jaamacada Golis ku Maamuustay Shahaadooyin Aqooneed iyo ka fal celintooda
Hargaysa 11.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Beeraha Somaliland Prof; Faarax Cilmi Muxumad “Geedoole” oo ka mid ah hormoodyada Fara ku tiriska ah ee wasaaradihiisa ka adkaaday horumar baaxad lehna gaadhsiiyay ayaa ka mid ahaa wasiiro xukuumada Siilaanyo ka tirsan oo ay shalay Jaamacadda Golis Shahaado sharafyo waxqabadkooda ku gudoonsiiyay munaasabadaas qalinjabineed ee ka dhacday Hargeysa.
Wasiir Faarax oo ka mid ahaa aqoonyahanada Reer Awdal ka hor inta uunsan xilka qaban ka mid ahaa hormoodyada ama taayirada ay ku socotay Jaamacadda Camuud kaas oo ahaa tiir adag qaybihii uu maamulayayna meel sare saaray ayaa markii uu xilka la wareegay mudo iminka la joogo Saddex Sanno ka hor uu wax badan ka badalay wasaarada loo gacan galiyay oo markaas ahayd mid wasiiradii Xukuumadii Rayaale ee iska danbeeyay ay cagta Mariyeen oo ahayd meel u eekayd meel cid la ah oo la moodi jiray in laga guuray uu ka dhigay meel shaqaynaysa oo wasaaraddaha kale la tartamaysa.
Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji ay Mas’uuliyada Jaamacada Golis Gudoonsiiyeen Shahaadaada Master-ka oo uu ku Mutaystay Sida ay Sheegeen hawl karnimo iyo in Saacado ka badan intii Sharcigu ahaa uu ku sugan yahay Xafiiskiisa waxaanay Maamulka Jaamacada Golis sheegeen oo kale in Wasiirku Sannadka danbe uu diyaarin doono Shahaadada PHD
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bogaadiyay boqolaal arday oo maanta iyo xalay ka kala qalin jabiyay jaamacadaha GOLIS Iyo ADMAS ee Magaaladda Hargeysa.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal Hambalyo ah oo uu ku soo daabacay shabakadiisa Internet-ka ee guusha,com
“Waxaan hambalyo u dirayaa aniga oo ku dhiiri-gelinayaa ardayda sharafta iyo qiimaha badan ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha admas iyo Golis Universities inay ogaadaan sidii madaxweynuhuba u sheegay inay yihiin cida qarankani sugaayo ee Bulshadoodu ku xisaabtamayso. in ay ku dedaalaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen aafada beryahan curyaamisay ee duulimaadka ku ah qarankani in uu yeesho madax u soo kacda oo aqoon iyo karti dheeraada u yeesha wax ka qabashada dhaqaalaha, Caafimaadka, Beeraha, Siyaasada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan Dalkan.”
Md. Xirsi waxa uu sheegay inuu ku diirasaday ardayda qalin jabisay, waxaanu yidhi “Waxa aan ku diirsaday runtii markii aan arkay qiimaha iyo sharafta maamuusku ku dheehan yahay ee Ardaydii ka qalin-jebisay admas iyo Golis ay ku soo bandhigeen goobta xaflada waxa niyadayda qaaday qiiro waxa aan xasuustay oo aan dib u jaleecay kumanaanka inaga tahriibay een meelna maanta haysan ee naftoodii ku waayey saxaraha iyo badaha iyo kumanaanka kale ee maanta ku cadilan wadamada shisheeye.
“Aniga oo jecel horumarka dhalin yarada Somaliland meel ay joogaanba waxa aan ku dhiirigelinayaa in ay noqdaan kuwo aamina dalkooda dadkooda oo wax kula soo baxa aqoonta iyo qalinkooda, aniga oo la hadlaaya dhamaan Ardayda Somaliland kuwa hada qalinjebiyey iyo kuwa hore u qalin-jebiyeyba,”ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray
“Midna maanka ku haya oo ha ilaawina ayaan idin leeyahay inaad tihiin mustaqablkii dalkan, indhihii dadkani yeelan lahaa ee la doonayey inay ku hagaan aqoon iyo waayo aragnimo dheeraada. ogsoonadana inaad nasiib u hesheen inaad Dalkan u haysataan mustaqbal dheer oo aad kaga bogan kartaan god-daloolooyinkiisa iyo baahiyihiisa idinka oo guryihiina ka soo toosaya si nabada midna waa lagama maarnaan oo waxa ay tahay inaad ku dedaashaan inaad walaalkaaga qaldan toosisid ood dareensiyo inuu yahay Mustaqabkii beri, balse hadii uu naftiisa halligo uu noqonaayo tiir aboor cunay oo markii hore is dayacay balse hadii uu meel qiimo badan sida dalkiisa oo kale uu ku tiirsanaan lahaa uu noqon lahaa Hormood ay ku daydaan jilasha soo koraya ee ka danbeeya isaga.”
Waxa kale oo uu si weyn u hoggo-tusaaleeyay ardayda jaamacadaha ka baxday ee jiilka cusub, waxaanu yidhi “Ogaada dadkii idinka horeeyey dalkan waxay ku xoreeyeen qori balse nasiib wanaag idinka waxaa la idiinka rabaa inaad qalbi Fiican iyo Qalin ku barbar istaagtaan dalkiina.Waxaan mahad u jeedinayaa Maamulka ii gartay in ay Shahaado igu maamusaan, waxaan leeyahay waxaan u arki doonaa abaal marintan mid aad uuga jeedaan halkaa ka sii dheeree oo aad igu dareensiinaysaan wehel iyo waano dardar galin ah. Ugu danbayn waxa aan mahadnaq balaadhan u dirayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadaha Admas iyo Golis sidoo kalena waxa aan mid taasi la mida u dirayaa jaamacadaha dalka ee kala duwan waxanan ku hambalyeynayaa sida qiimaha badan ee ay da’ayarta dalka wax u baraan iyaga oo dalkooda jooga…… Wa Bilaahi Tawfiiq.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com