Kismaayo oo Caawa Bando aan Mudadiisa la Cayimin lagu soo rogay,Iyo Baqashada la qabo
Kismaayo 10.Sep 2013 (SDN)- Saraakiisha ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa caawa bandow ku soo rogay magaalada Kismaayo, iyadoo hawada laga saaray hawada laga saaray shirkdihii isgaarsiinta ee magaalada.
Ciidamo maamulka ka tirsan ayaa gaaf-wareegaya waddooyinka magaalada, halka shacabkii ay goor hore oo galabta ah guryahooda gaareen, Si uu Qof kastaaa Hoygiisa ugu Sugnaado.
Sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Jubba oo ka hadlay idaacada ku hadasha afka maamulka ayaa shacabka ku nool Kismaayo ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka bandowga ah ee ka soo baxay maamulka KMG ee Jubba.
Sarkaalku wax faahfaahin ah kama bixin sababta ka dambeysa bandowga lagu soo rogay magaalada Kismaayo.
Warar aan la xaqiijinin oo laga helay qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba ayaa sheegaya in bandowga uu yimid kaddib markii maamulku uu helay war sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay qorsheynayso weerar ay ku soo qaaddo magaaladda Kismaayo.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com