|

Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta Hortagay Fadhigii Golaha Wakiilada iyo Warbixin uu ka jeediyay

Hargaysa 10.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Fadhigii Maanta  ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo uu Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Waxa uu Xildhibaanada Warbixin ka siiyay Hawl galada wasaaradiisa,Derajo bixinta iyo qodobo kale.

Wasiirka GaashaandhigaWasiirka Oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi,ayaa Waxa uu  warbixin ka dheer ka bixiyay, xaaladaha ciidanka qaranka, darajada dhawaan la bixiyay iyo xaaladaha ciidamada  jiidaha hore ee Xuduudaha Somaliland ku sugan yihiin Iyo waajibaadka guud ee Wasaaradiisu u hayso qarankan,

Waxaana wasiirka ku wehilinayay wasiir ku xigeenkiisa oo isna xusay in ciidanku qabtaan hawlo dheeraad ah kana hawl galaan meelaha fog fog ee ciidanka booliisku gaadhin iyagoo  boolis ahaan u shaqaynaya.

sidoo kale waxa ay Ciidamada qaranku ka shaqeeyaan Xeebaha dalka ku teedsan iyaga oo ka hortaga tahriibka.

Intaa kadib waxa ay Xildhibaanadu su’aalo warbixinta ku saabsan ka waydiiyeen Wasiirka isagoo wasiirkuna si wanaagsan uga jawaabay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed