Siyaasadda Kor U Qaadista Musuqa ee Madaxwayne Silanyo: ( Nin Qadhaab Hela, Nin qataabsada, Nin iskaba qada, Ha la qalabsado)
Hargeysa Sept 10,2013(SDN)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Cali Gurey ayaa faallo ka warameysa musuqa xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Bulshada u soo bandhigay.
“Kal hore bishii March ayaa urur goboleedka IGAD ku dhawaaqay in EU ay maalgelinayso mashruuca Wadada Berbera/Tog Wajaale si ku loogu qaado isku xidhka gobolka loona fududeeyo hawlaha ganacsiga iyo gaadiidka. Markii la iclaamiyay in mashruucii dhismaha wadada loo dhiibi doono mid ka mid ah shirkadihii isugu soo hadhay liiska xulka(short list) ayuu Xirsi wakiilkii EUda ku war geliyay in dawladdu ay baabi’isay haya’ddii wadooyinka, komishankii iyo maamulkii maalgelinta oy ay abuurtay hayad cusub oo hoos timaada wasaaradiisa, markaa waa in EU ay lacagta ku soo shubto hayadda cusub.Ee aniga i hoos timaada. Wakiilka EUdu markii ba wax buu fahmay hadalka Xirsi na wuxu ku sheegay mid ama jahlinimo ah ama mid la doonayo in lacagta mashruuca loogu leexinayo jeebab musuq maasuq oy gaar u leeyihiin qaar madaxda ka mid ihi.Runtu na waxay u badan tahay labada oo is huwan.
Xirsi waxa kale oo la sheegay in lacag gaadhaysa ilaa 15 Million oo dollar uu ka qaatay lacag ay Imaaraadku ugu deeqeen Somaliland. Waxa la ina leeyahay laba nin oo isaga ka socda ayuu China u diray oo yidhi qalabka wadooyinka lagu dhiso ayay soo iibinayaan sharci na isagaa u ah. Dhacan iyo boobkan cad ee Xirsi gaab waxa u suurto geliyay Madaxwaynaha oo isagu isaga ah oo baabi’iyay haya’ddii qandaraasyada si waxoogaayada la inoogu yabooho jeebkiisa ugu dhacdo sidii EUdu ay iska garatay ee uu mashruucii wadada Berbera/Tog Wajaale maalgelintii ay ugu talo galeen u joojiyeen markii Xirsi Gaab damcay inay jeebkiisa ku soo shubaan.
Madaxwayne Slanyo hadii aanu tuugadan cad laftiisu qayb ka ahayn markaa ma tuug kalkaal buu noqonayaa. Waxa aynu arkaynaa sedexdii wasiir ee isaga ugu xigay inay yihiin kuwa xalaashaday tuugada, boobka, iyo dhaca hantida dadwaynaha iyaga oo aan cidna wax iskaga tirinayn.
Maanta waxay dhacaan iyo waxay xadaan ba waxay og yihiin in aan cid ka ridi kartaa aanay jirin Madaxwaynuhu na uu sidaa ku ogol yahay oo weliba ku jecel yahay. Sidaa daraadeed na seefta isku shaandhayntu aanay khusaynin iyaga balse ay tahay mid lagu salido qooraha wasiirada kale iyagu na ay ka talo bixiyaan.”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com