|

Xukuumada Jabuuti oo lagu wado in ay ooda ka rogto Culumaaudiin Xabsiga ay dhigtay

Jabuuti Sept 10,2013(SDN)-Xog aanu ka helay ilo wareedyo ku dhawdhaw mucaaridka Jabuuti ee wadahadalka u dhexeeyo xukuumada Jabuuti ayaa sheegaya in Xukuumada Jabuuti ogolaatay in ay xabsiga ka sii deyso Culimo u xirxiran.

Culimada ayaa ay xukuumadu ku eedeysay in ay ku biireen mucaaridka isla markaana ay ka qeybqaateen ololihii doorashooyinka ee dalka ka dhacay horaantii sanadkan.

Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa wadahadalo ay kula jirto xukuumada waxa ay ku dalbadeen in lagu sii daayo dadka culimadani ay ka midka tahay ee ay xukuumadu xabsiyada ku heyso.

Si kastaba ha ahaatee siideynta culimadan ayaa ahaa hadal heynta u badan ee Jabuuti maalmihii ina dhaafay.

Hadii xukuumadu siideynta Culimada ay ka dhabeyso waxa ay noqon kareysaa tilaabo shaki badan ka saarta taageereyaasha USN,oo ka walaacsan in xukuumadu daacad ka tahay wadahadalada.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed