Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay in Alshabaab laga Takhalusayo iyo Mashaariic laga Hirgalinayo Magaalada Jawhar
Jawhar 09.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Jowhar kula kulmay shacabka iyo maamulka degmada ayaa sheegay in loo baahan yahay in al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan gobolka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka laga doonayo inaysan ka jiifan dagaalka lagula jiro al-Shabaab inta ay ku sugan tahay tuulo kamid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dhamaatay awoodda Alshabaab, islamarkaana la joogo xilligii laga xoreyn lahaa guud ahaan dalka.
Wuxuu xusay in dowladdu ay waddo qorsho shacabka ay ku soo dooran doonaan maamullada degmooyinka iyo gobollada, isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata dalka.
Geesta kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose laga hirgalin doono dugsi waxbarasho, xarun caafimaad, Ceel, saldhig boolis iyo xarun uu yeesho maamulka degmada.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa tilmaamay in xarumaha laga hirgalinayo degmada ay qeyb ka tahay dedaallada ay waddo dowladda ee ku aadan xoojinta ammaanka iyo horumarinta dalka.
Xasan Sheekh ayaa catrabaabay in ciidamo boolis ah la gayn doono magaalada Jowhar, si ay ugu qeyb qaataan xoojinta ammaanka iyo horumarka degmada.
Madaxweynaha oo dadka deegaanka ugu warbixiyay dedaallada ay waddo dowladda ee ku aadan qorshaha hiigsiga mustaqbalka ayaa ka codsaday shacabka inay kaalin muuqata ka qaataan dib-u-dhiska dalka iyo ka shaqeynta ammaanka.
Wuxuu ballan-qaaday in dowladda ay u istaagi doonto wax ka qabashada fatahaadda ka dhacda gobolka Shabeellaha hoose oo dhibaato u geysatay dadka deegaanka.
Jawhar SDN.
Qurbejoog.com