DAAWO Video Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Golaha wakiilada Uga warbixiyey Hay’ada wadooyinka oo Hoos tagta Wasaradiisa
Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta Mar labaad hor tagay Golaha Wakiilada ee Somaliland isla markaana faah faahin ka siiyay Mudanayaasha Xeerka Dayac Tirka iyo Dhismayaasha Wadooyinka .
Wasiirku waxa uu Tilmaamay in Xeerkan oo ay Xukuumadu horkeentay Golaha kadib markii dhawaan uu madaxweynuhu hay’adii Wadooyinka hoos keenay Wasaarada madaxtooyada.
Wasiirku waxa uu si balaadhan uga waramay baahiyaha keenay in Xeerkan la sameeyo wakhtigan Xaadirka ah oo cashuur gaar ah looga jaro Xoolaha dhoofaya iyo wado marista Baabuurta.
Waxaanu si qoto dheer uga waramay in wadooyinku ay yihiin halbawlaha koritaanka dhaqaalaha ee qaranka isla markaana ay Xukuumadan ka go’antahay inay samayso wadooyin isku xidha guud ahaan degaamada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com