|

Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Dhir iyo Siidh Cusub oo Wax soo saarka dalaga ah {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa maanta kala wareegay Har’adda Life International siidh iyo dhir dalka aan oolin si loogu sameeyo heer lagu Tijaabinayo inay dalka ka bixi karto iyo In kale.
wasiirka beeraha

Dhirtan iyo siidhkan ayaa tijaabadooda lagu sanayn doonaa dhamaan gobolada iyo Degmooyyinka somaliland si loo ogaado jawiga habboon ee ay ku bixi karaan, iyadoo ay ku jiraan dhir faa’iido badn leh oo aan hore uga bixin Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Beeraha ayaa Hay’adda Life International ee dhirtan iyo siidhkan  wadda oo ka keentay dalka South afrika uga mahad naqay Kaalmada ay soo Gaadhsiiyeen Wasaaradiisa waxana uu tilmaamay in haddii dhirtani dalka ka baxdo la dalban doono mid intan ka badan.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka wasiirka beeraha

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/geedooleSiidh(1).mp3″]

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed